Madaxweynaha Oo Xalay Cafiyay Xildhibaanada Xidhan Ee Golaha Deegaanka Borama

0
589

Picture2Hargeysa(Geeska)-Warsaxaafadeed xalay laga soo saaray madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, ayaa lagu sheegay in Madaxweyen Siilaanyo cafiyay laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deeganka Borama oo muddo xidhnaa.

Warsaxaafadeedka oo aan laga bixin wax faahfaahin ah, laguna sheegin dambiga laga saamaxay xildhibaanada, ayaa waxa lagu yidhi sidan  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud; Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.                                   

Wuxuu Go’aamiyey

In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.”