Hargeysa (Geeska )- Munaasibad aad la isku arkay oo heerkeedu sarreeyo ayaa shalay lagu daah furay isla markaana xadhigga lagaga jaray Xarunta Dhexe ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO. Munaasibada xadhiga lagaga jarayay Xarunta dhexe ee heer Qaran ee dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo ay ka soo qayb galeen haldoorka Somaliland o uu hormuud u ahaa Madaxwenaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland,xildhibaanno iyo masuuliyiinta dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo ay goob jog ka ahaayeen masuliyiinta dallada Sonyo ee Gobolada Somaliland. Ugu horrayn Madaxwynaha Somaliland oo madasha daah furka Xarunta Dhexe ee Dallada Dhalinyarada heer Qaran ee Sonyo ayaa ku ammaanay dallada Sonyo horumarka ay ku tallaabsatay isla maraana ballan qaaday in ay Xukuumaddiisuna garan taagan tahay dhalinyarada Somaliland.
“Waxaan leeyahay Illaahay garabkiina ha galo, horumar weyn aan samayno, dalka iyo dadkaba aan u dedaalno, halkaas aan hore uga talaabsano,dadka iyo umadda aan u shaqayno, Dadka buuqa iyo qaylada wada yaynaan dhegaysan,dadka waddaninimada xun yaynaan dhegaysan, dadka umadda iska horkeenaya yaynaan dhegaysan, idinkaa dhalinyaradii ah, idinkaa Mustaqbalkii dalka ah waa inaad mar walba horkacdaan oo hormuud ka noqotaan wixii horumarinaya mustaqbalkiina iyo Aayihiina iyo ka dalka intaba”
Guddoomiyaha Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani oo isna madasha ka hadlay ayaa ka warramay dhismaha Xarunta dhexe ee Dhalinyarada SONYO,waxaanu ballan qaaday Guddoomiye Mubaarig in dhismaha maanta la daah furay in uu noqdo dhismme ay leeyihiin dhalinyarada Somaliland isla markaana aanay gaar u yeelan doonin ama loogu adeegi doonin dallada SONYO oo kaliya. “Mudane Madaxweyne Dhismahan quruxda badan ee aynu daahfurkiisa u joognaa ma noqon doono mid logo adeego danaha dallada Sonyo oo kaliya laakiin waxaa uu nqon doonaa dhisme oo ay wada leeyihiin guud ahaan dhalinyada Somaliland,Mudane Madaxweyne hoolkan anu ku suganahay wuxuu noqon doonaa mid u furan guud ahaan dhalinyarada Somaliland oo aan la kirayn balse u furan waxaana lagu soo barbaarin doonaa oo isku arki doona guud ahaan dhalinyarada Somaliland waxaana ka soo bixi doona hoggaanka dalka ee Berrito.” ayuu Yidhi Guddoomiyaha Dallada Dhalinarada Somaliland ee Heer Qaran ee Sonyo Mubaarig Ismaaciil Taani. Waxaa kale oo munaasibada ka hadlay masuuliyiin kale o ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ku dheeraaday ahmiyadda ay dhalinyaradu u leedahay horumarka dalka iyo sida ay uga qayb qaataan dhanka wax qabadka iyo horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo uu sheegay in dhalinyaradu ay qaybtooda ka qaataan. Waxaa kale oo isna halkaa kelmado dardaaran io dhiiri alin isugu jira ka soo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE Muuse Biix Cabdi.