Hargeysa(Geeska): Haayadda wasaarada waxbarashada inta badan ka tageerta dhinca waxbarshada ee lagu magaabo Africa Education Trust (EAT) ayaa waxaa ay maanta wasaaradda waxbarashada ku wareejisay iyada oo kaashaneysa haayada (ZERA) 45 ardey oo hablo ah, kuwaas oo ay kafalo qaaday ka bixinta lacagta waxbarshadooda dugsiga sare . Munaasibadan oo ka dhacdey hoolka wasaarada waxbarshada ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada waxbarshada faarax cilmi geedlo masuulyiinta haayada (EAT) habalaha ay haayadu deeqda waxbarsahda ah siisay iyo macalimiinta saddexda dugsi ee ardeydani dhigtaan .
Ugu horeyn waxaa munaasibadan ka hadlay madaxa haweenka ee wasaarada waxbarshada somaliland marwo Ayaan Xaaji Yuusuf waxaana ay tidhi“maadama oo dugsiyadii sare iyo kuwii hoosaba la wada galayo waxbarshadii bisha sagaalaad waxaa wax lagu farxo ah in wasaarada waxbarshadu ku guuleysatay in 45 hablood oo danyar ah oo aan iska bixin kareen lagacta dugsiga sare kuwaas oo ka kooban dugsiyada dayib gurey , 26 junne iyo faraax oomar .
Waxaa ay wasaarada waxarshadu ku guuleysatay in iyada oo kaashaneysa haayada (EAT) in ay ka bixiso lacagta dugsiyada ay dhiganayaan waxaana halkan lagu bixin doona lacagta sanadka ugu horeeya ee waxbarshadooda “ ayey tidhi agaasimaha waxaada haweenka ee wasaarada waxbarshada marwo Ayaan Xaaji Yuusuf. Dhinca kale waxaa isna madasha hadlo kooban ka yidhi xassan ahmed ibraahim oo ka socdey ah haayada (EAT) qeybta somaliland waxanaa hadaladiisi ka mid ahaa “waxaa aan aad ugu farax sanahay 45 ka hablood ee maanta aynu halkan ku gudoonsiinay deeq waxbarasho oo afar sanadood ah waana afar sanadood oo halkan wax lagu baranaayo sidaa la sheegay 100 $ ee ardeyda la siinayo sanadkii waxaa ay ka kafeen doonta in ay iskaga bixiyaan lacagtii dugsigu ka qaadaayey habalo faro badan oo idinka idinla mid ah ayaa waxbarshada ugu hadha lacag la,aan taas baana nagu kaliftey waxaana aan idinkula dar daarmaayaa in aad ka faa,ideysataan arintan “ ayuu yidhi xassan ahmed ibraahim oo ka socdey hayaada (EAT) qeybta somaliland .
Wasiirka Wasaarada Waxbarsahda Somaliland Faarax Cilmi Geedoole Oo Munasibadaasi Ka Hadlay Ayaa Yidhi “Habluhu Qiimo Weyn Ayey Umada Ku Leeyihiin Oo Ilaahey Baa Sheegay Taas Hadii Ay Inantu Wax Barato Ilmaha Ay Dhaso Waa Uu Ka Nasiib Badnaanayaa Ilmaha Aanay Hooyadii Waxba Baran Hooyada Iyo Abuhu Ilmaha Wey U Kala Dhaw Yahiin Markaas Weynu Dhiiri Galineynaa Waxbarshada Hablaha Weyna Aynu Is Garab Taageynaa In Ay Habluhu Wax Inoo Bartaan Aad Iyo Aadna Waanu Ugu Mahad Naqeynaa Haayada (EAT) Ee Arintaasi Naga Caawisay “ Ayuu Yidhi Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Somaliland Faarax Cilmi Geedoole . Ugu Danbeyntii Waxaa Madasha Hadlo Kooban Oo Mahad Naq Ah Ka Yidhi Qaar Ka Mid Ah Ardeydii La Siiyey Deeqda Waxbarashada Bilaashka Ah Iyo Walidiintii Dhashay Ardeydaas Waxaana Ay Mahadnaq Balaadhan U Direen Hayaada Deeqdan Waxbarshada Ah Siisay Iyo Wasaarada Waxbarshada Waxaana Ay Ugu Baqeen In Ay Halkaasi Ka Sii Wadaan Dadaalka Ay Dalka U Wadaan.