Madaxweynaha Oo Maanta Safar Dibadeed U Baxaya Iyo Xaaladda KULMIYE Oo Qasan

0
574

siilaanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta safar ugu baxaya wadanka Faransiiska, oo la sheegay inuu uga sii gudbi doono wadanka Ingiriiska.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku weheliya wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha Dr. Sacad Cali Shire, waxaana halkaas sidoo kale ugu tagi doona wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdillaahi Cumar, lamana garanayo ujeedada uu Madaxweynuhu safarka ugu tagayo wadanka Faransiiska, waxase la filayaa inuu saxaafadda uga waramo ujeedada safarkiisa. Hase yeeshe wuxuu safarka Madaxweynuhu ku soo beegmayaa iyadoo uu xisbiga KULMIYE ku jiro xaalad adag, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkan magacaabay guddi uu faray inay turxaan saaraan khilaafka xisbiga, isagoo sidoo kalena dib u dhigay shirweynihii xisbiga oo mudaysnaa 21 January.

Talaabada uu Madaxweynuhu ku magacaabay guddiga islamarkaana uu dib ugu riixay shirweynaha xisbiga 22 March, ayaa waxa ka dhalatay dood sharci oo wax la iskaga weydiiyay awoodda iyo sharciyada uu Madaxweyne Siilaanyo u maray magacaabista guddigan iyo weliba dib u riixista shirweynaha xisbiga, iyadoo aanu xataa kala tashan hoggaanka xisbiga oo uu qoraalkiisa ogaysiis ahaan nuqul ugu diray.

Inkastoo ay xubno hoggaanka ka mid ahi taageereen go’aanka Madaxweynaha, haddana waxa la aaminsanyahay inaanu go’aanka Madaxweynaha raali ka ahayn guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.