Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Booqasho Ku Tagay Madbacadda Qaranka Ayaa Waxa Halkaa Si Diirran Ugu Soo Dhaweeyey Maareeyaha Iyo Maareeye Ku-Xigeenkisa

0
33

Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kormeer hawleed ku tagay Xarunta Wakaaladda Madbacadda Qaranka JSL.

Madaxweynaha waxa halkaa si diirran ugu soo dhaweeyey Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Madbacadda Qaranka, iyaga oo uga xog warramay hawlaha muhiimka ah ee ay Wakaaladda Madbacadda Qaranku u hayso Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray qaybaha kala duwan ee ay Madbacadda Qaranku ka kooban tahay iyo shaqooyinka kala duwan ee ay qabtaan. Maamulka sare ee Madbacadda Qaranku waxa ay Madaxweynaha ugu xog warrameen tallaabooyinka ay qaadeen iyo waxyaabaha u qabsoomay iyo baahiyaha aasaasiga ee u baahan in wax laga qabto.

Madaxweynuhu waxa maamulka iyo Shaqaalaha Madbacadda Qaranka ku bogaadiyey hawsha qiimaha leh ee ay u hayaan Qaranka, waxana uu faray in ay sii laban laabaan dedaalka