Puntland(Geeska)-Madaxweynaha cusub ee maamul gobaleedka Puntland loo doortay Cabdiwali Cali Gaas, ayaa si rasmi ah xilkii ula wareegay, waxaana ku wareejiyay madaxweynii hore ee maamulkaas Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Xal wareejintan oo ka dhacday madaxtooyada maamulkaas waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan xukuumaddii hore, Isimmo, Culimo, iyo marti sharaf kale.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo xafladaas xil wareejinta ah ka hadlaayay waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaan ku wareejinayaa xarunta madaxtooyada cusub ee ay ku yaalaan xafiisyadii iyo deegaankiisa, Waxaan kale oo ku wareejinayaa Xarunta ciidanka oo Madaxtooyada ku qabsan, maadaama uu yahay Taliyaha u sareeya ee ciidanka Puntland.waxaan ballan qaadayaa in aan la shaqeeyo oo aan waxba ku qabsanayn haba yaraatee. waxaan ku faraxsanahay in dadka reer Puntland waa mideysan yahay, in ay taageersanaayeen in aan aqbaley natiijadii iyada oo hal cod noo dhexyasey aniga iyo Madaxweynaha la doortey.”
Madaxweynaha loo doortay maamul gobaleedka Punland Cabdiwali Cali Gaas ayaa isaguna dhankiisa hadaladii uu ka jeediyay xil wareejintaas waxa ka mid ahaa “Maanta mid ayaan nahay intii anaga noo codeysey iyo intii Madaxweyne Faroole u codeysey, ha ogaadeen maanta hal mid ayaan nahay, haddii aan mid nahay ayaan meel gaadhi karnaa, gacmaha aynu is qabsano, diyaar ayaan u ahay wadashaqeyn iyo walaanimo.”
Waxa la sugayaa in todobaadka danbe uu Cabdiwali Gaas ku dhawaaqo Golihiisi wasiirada iyada oo wararku sheegayaan in uu dhisaayo tiro Wasiiro ah oo ka yar kuwii hore.