Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Sheegay Qorshaha Uu Ku Waajahayo Sool Iyo Sanaag

0
552

Picture6Puntland(Geeska)-Madaxweyne cusub ee dhawaan loo doortay maamul gobaleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa qorshaha koowaad ee xukuumadiisa ku sheegay inay qabanayso shirweynaha midaynta Puntland isaga oo sheegay in shirweyahaas lagaga hadlaayo, arimaha Sool,Sanaag iyo Cayn oo dhamaantood ka mid ah Jamhuuriyada Somaliland, balse ay Puntland si indho isku qabad ah ku sheegato.

Waxaanu sidaas u sheegay madaxweynaha cusub ee loo doortay maamul gobaleedka Puntland tilifishinka xukuumadooda u gaarka ah, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “In dib loo wanaajiyo midnimadii Puntland oo aad moodo inuu dhaawac  gaadhay in dib laysugu keeno,markaanu xukuumadda soo dhisno waxa ugu horeeya inaan qabano shirweyne lagaga hadlaayo arintaas sidaan balan qaaday oo lagu turxaanbixinaayo, shirweynahaas oo ku saabsan arimaha Sool,Sanaag iyo Cayn,waxaanan rabnaa inuu shirkaasu dhaco wax yar kadib marka aanu xukuumadda soo dhisnoba.”

Dhawaaqa ka soo yeedhay Cabdiwali Cali Gaas ayaa ah mid u muuqda saansaan colaadeed oo deegaanadaas ku soo waajahan, waxaana laga filayaa haddii shirweynhaaasu uu qabsoomo in ay ka soo baxi doonaan isku dayo Somaliland ku lidi ah.