Madaxtooyada Oo Xaqiijisay In Madaxweyne Siilaanyo U Guuray Gurigiisa

27
3094

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Aadan Cige Dayr ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu madaxweyne Axmed Siilaanyo ka guuray qasriga Somaliland looga taliyo una guuray hoyga uu magalada Hargeysa ku leeyahay oo uu ka soo shaqo tago.

Waxa uu afhayeenka madaxweynuu uu sheegay in lagu jiro qabanqaabadii xaflada xil wareejinta isla markaasna in ka badan soddon dal loo diray casuumado rasmi ah si ay xaflada xil wareejinta Somaliland uga soo qaybgalaan.

Dayr oo u la hadlaayay Eryal Tv waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Madaxweynaha hadda talada haya Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu u wareegay gurigiisa rasmiga ah laakiin aroortii halkaas ayuu ka soo shaqo tagaa oo xafiiskiisa ayuu u soo shaqo tagaa, si loogu hagaajiyo madaxweynaa cusubi qaabka uu u doonayo madaxtooyada madaxweynuu gurigiisa ayuu u wareegay halkaasna waa uu ka soo shaqo tagaa.”

Afhayeenka madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay socoto xafladii qabanqaabada xilwareejinta, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu

idhi”Qabanqaabadii si fiican ayay u socotaa gudida dhanka xukuumadda ka socota iyo gudida dhanka xisbiga ka socotaba labaduba hawshoodii si fiican ayay u wadaan, waxa socda dhamaan wadamadii Somaliland saaxiibka la ahaa  martiqaadkii in loo diray si ay uga soo qaybgalaan ilaa dhawr iyo soddon dal oo kuwa dariska ahi ay ka mid yihiin ayaa xafladan ka soo qaybgali doona waa xaflad taariikhi ah oo run ahaantii ku suntanaan doonta taariikhda JSL.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here