Madaxtooyada Oo Xaqiijisay In Madaxweyne Siilaanyo Uu Galay Qaliin Caafimaad

0
950

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa xaqiijiyay jiritaanka war uu shalay wargeyska Geeska Afrika daabacay oo ah in Madaxweyne Siilaanyo dalka Imaaraadka Carabta uu ku galay qaliin fudud oo qabsin lagaga sameeyay.

Afhayeenka oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in xaaladda Madaxweyne Siilaanyo tahay mid wanaagsan islamarkaana uu ka baxay cisbitaalkii lagu qalay, waxaanu yidhi "Madaxeynuu jimcihii ina soo dhaafay ayuuu dalka ka dhoofay waxa uu tagay dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Abu-Dhabi  madaxweynuu waxa u galay baadhitaan caafimaad oo caafimaadkiisa lagu jeegaraynaayay, Alle ayaa mahad leh wax dhibaato ah kamay soo bixin caafimaadka madaxweynuhu 100% waa uu wanaagsan yahay, kaliya waxau dhakhaatiirtu ku taliyeen in qabsin laga saaro, qabsinkiina maalin qaliin ah ayuu galay waa laga saaray caafimaadkiisuna 100%  waa uu wanaagsan yahay, guud ahaana hawlihii uu madaxweynuu qaranka u hayay iyo xilalkii iyo masuuliyadii uu dastuurka qaranku faraayay ayuu halkiisii ka wadaa.”

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Dayr oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Sida ugu dhakhsaha badan madaxweynuu qarankiisa ayuu ku soo noqon doonaa si uu u sii wado xililkii iyo masuuliyadii uu qaranka u hayay xiligan gabogabada ah ee ay fooda inagu soo hayso doorashadii madaxtooyadu."