Madaxtooyada Oo Beenisay In Madaxweynuhu Ka Hadhayo Tartanka Doorashada Dambe

0
580

Picture6Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul, ayaa beeniyay in Madaxweyne Siilaanyo ka hadhayo tartanka doorashada islamarkaana uu go’aansaday inaanu doorashada dambe isa soo sharixin.

Mr. Dhuxul, oo tixraacayay laba war oo ay wargeysyada Geeska Afrika iyo Ogaal shalay baahiyeen oo sheegayay in Madaxweynuhu xubno wasiiro ah iyo masuuliyiin kale ku wargeliyay go’aankiisan cusub ee ah inuu tartanka ka hadhayo, ayaa sheegay inaanay wararkaas waxba ka jirin.

Wuxuu afhayeenku warkan u sheegay mar uu isagoo Addis Ababa ku sugan la soo xidhiidhay xalay shabakadda Gudgudenews.com, “Waxaan halkan ka caddaynayaa in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u taagan yahay murrashaxna u yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo, waxa kale oo aan beeninayaa war ay daabaceen wargeysyadda Ogaal iyo Geeska afrika oo ahaa mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, ma jirto meel madaxweynaha Somaliland kaga hadhay tartanka doorashada, waxaanu u sharaxan yahay kalkiisa labaad ee dastuurka dalku u baneeyay,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu,

 Mr. Dhuxul waxa kale oo uu u soo jeediyay warbaahinta inay axadhaan oo ka baraan degaan xaqiiqadda wararka ay baahinayaan xambaarsan yihiin, “Waxaan ku boorinayaa wargeysyadda Ogaal iyo Geeska Afrika inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah, isla markaana ay hubiyaan wararka ay bulshadda u gudbinayaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland.