Madaxtooyada Oo Balanqaaday In Madaxweynuhu Dhawaan Saxaafadda Hor-iman Doono

0
579

Picture5Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul ayaa balan qaaday in Madaxweyne Siilaanyo dhawaan horiman doono warbaahinta oo weydiin doonta su’aalo kala duwan oo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee wadanka.

Mr. Dhuxul oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu ugu horayn isagoo ka jawaabaya sababta saxaafadda looga horistaago inay Madaxweynaha suaalo weydiiyaan uu yidhi  “Qofka Weriyaha ahi waxa uu ugu jecel yahay inuu qofka madaxda ah wax waydiiyo, laakiin imika mays waydiiseen barigii hore saxaafaddu intaas way ka yarayd, Manay jirin warbaahinta Online-ka ah ee maanta halka ugu saraysa maraysaa. saxaafaddu in kooban ayey ahayd xataa inta wax weydiin jirtay way koobnayd, maantana bal u fiirsada waxa uu mashaakil naga qabsadaa isku daysta su,aalaha” ayuu yidhi Afhayeen Dhuxul oo shir jaraa’id qabtay.

Afhayeenka ayaa ku dooday in su’aalaha madaxweynaha ay waydiinayaan suxufiyiintu yihiin kuwa caadifadi ka muuqato “Madaxweynaha Su,aasha  la waydiinayaa waa inay wax soo kordhisaa, waa inay noqotaa mid ka turjumaysa dareen dhab ah waxaana iska jira su,aalo caadifadi ku jiraan.” Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyadu.

Afhayeenka ayaa wariyeyaasha u sheegay in dhawaan la qaban doono kulan madaxweynaha su’aalo lagu waydiiyo “Sidii uu wasiirka warfaafintu sheegay waxaanu samaynaynaa saaxad  aad madaxweynaha ku waydiisaan Su,aalaha  waxaana laydiinka baahan yahay inaad si masuuliyad ah isku soo xushaan.” Ayuu yidhi Mr Dhuxul

Dhinaca kalena Madaxweynaha Somaliland oo laga sugayay inuu xal u raadiyo hirgalinta heshiiskii asxaabta iyo xukumadda ee guurtidu is hortaagtay ayuu Afhayeenku sheegay inaanay wax masuuliyad ahi ka saarayn Xukumadda inay guurtida ku qanciso heshiiskan  “Markii xisbiyada mucaaridka ahi ka biyo diideen mudo kordhintii guurtida, xukuumadu  iyada oo u nasteexaynaysa  wada jirka dalka iyo inaanay dalka dhibaato ka dhicin iyo inaanu khasaarin tacabka faraha badan ee aynu soo galnay  iyo waxyaalo fara badan oo dalkan ku gadaaman una  baahan in lagaga gudbo wada jirka mucaaridka iyo muxaafidka waxay mar walba u taagan tahay maslaxadu halkay ku jirto, iyada oo hormood u ah, ka dibna  xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridka ahi is arkaan, walibana iyada oo muhiimad la siiyey xisbiyada mucaaridka ah ayey noqotay inay xalkii Decenber ay yidhaahdaan xukuumada waa inaanay waxba ka qabin.” Ayuu yidhi Afhayeenku

Waxa uu intaasi raaciyay inaanay xukumaddu samayn doonin wax ku qancin ah guurtida oo diiday in heshiiskaasi la meel mariyo “Anagu golaha guurtida  cadaadis iyo wax u diidis midna kuma lihin, laakiin mawqifka xukuumadu waa kaas ay ku raaceen xisbiyada mucaaridka ah.”