Madaxda Wasaaradda Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Dhacdadii Hargeysa Stadium

0
567

Hargeysa (Geeska)-Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday Doraad Garoonka Hargeysa Stadium ee keentay inay dad ku dhawaacan, waxayna amaan balaadhan u soo jeediyeen oo ay ka mahad sheegteen dadka ka soo jeeda Gobolka Hawd, waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen dayacaado laga fididiyey.

1

Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay Xafiiskooda ayaa ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane, oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Intii hore si fiican bay u socotay, shalayna wax dhiba ah uma arkayo, ee waxaan u arkaayey in caadifada iyo kala badintu meesha wax kasta wey taala, Garoonkana Garoomada Aduunka ayuu la mid yahay, Garoomada Somaliland ayuu la mid yahay, oo garoomada ayey dhalinyaradu had iyo gooraale isku jiidhaan, wax is jiidh jiidhay may jirin, garoonka gudihiisana waxaba kamay dhicin”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo isna halkaas ka  hadlay ayaa yidhi “Anagu waxaanu doonaynaa in aanu caddeyno wixii halkaas shalay ka dhacay in horta wax dhimasho ahi aanay jirin, waxa jirta dayaacad iyo been aad u badan oo aad u badan oo la isla dhex marayo, oo la leeyahay dad badan baa ku dhintay, oo la leeyahay garoonkii bay dhibaato gaadhay, oo la leeyahay waxyalahaas iyo waxyalahaas ayaa dhacay, dhibaatada dhacday iyo ta la sheegayaa wey kala duwan yihiin,cid alaale cid dhimatay ma jirto, dadweynaha deegaankaas iyo garoonka agaraarkiisa waxaanu caddeynaynaa in si wanaagsan oo xilkasnimo leh oo gobonimo ku jirtay intii ay ciyaarahaasi socdeen ay muujiyeen, oo ay soo dhaweeyeen Goboladii, uga qayb qaatay Ciyaarahaas si caadiya oo sida dadka kale adduunka taageerada doorkoodu muujiyeen”.

Wasiirka ku xigeenka Ciyaaraha Cabdirashiid Cabdilaahi Kaahin oo isna halkaas ayaa sheegay in Masuuliyiinta iyo dadweynaha kala duwan ee ka soo jeeda Gobolka Hawd inay kala qayb qaatan Wasaaradda Ciyaaraha si Ciyaaruhu si fiican u bilaabaan, si fiicana u dhamaadan