Madaxda Qaranka Oo Ka Hadashay Geerida Fu’aad

0
566

silnayoHargeysa(Geeska)-Madaxda qaranka Somaliland ayaa tacsi u dirtay guud ahaan qaranka Somaliland oo ay ka tacsiyeeyeen geerida Marxuum Fuaad Aadan Cadde oo ku geeriyooday wadanka Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray umadda Somaliland oo uu ka tacsiyeeyay geerida marxuum Fuaad Aadan Cadde. Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta Dalka, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Fuaad Aadan Cade oo ku geeriyooday Dalka Turkiga 15/07/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug cadaadi ah oo ka baxay shacbiga iyo dalka Somalilandba, laguna xasuusan doono go’aamadii geesinimada lahaa ee uu ka geystay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka isaga oo dedaal weyn u galay sidii shacbiga Somaliland ee walaalaha ahi ay ugu wada noolaadan, deris wanaag iyo horumar, waxaanu ahaa muwaadin dhaba oo aan ka gaban mawqifkiisa wadanimo.

Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland isaga oo la soo sheegeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka oo uu ilaa wakhtigan ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland.

waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Sulaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isna shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay geerida Fuaad Aadan Cadde oo uu ku tilmaamay geesi qaranka ka baxay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland guud ahaantood u diray dhambaal tacsi ah oo uu kaga hadlay geerida Fuaad Aadan Cadde. Wuxuu Muuse Biixi ka waramay taariikhdii Fuaad Aadan Cadde.

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale isna shacabka Somaliland wuxuu ka tacsiyeeyay geerida siyaasigan oo uu xusay inuu wax weyn u qabtay Somaliland iyo isu soo dhawaynta beelaha walaalaha ah ee Somaliland. Alle haw naxariisto Marxuum Fuaad Aadan Cadde.