Madax Dhaqameed Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Ceel Afweyn

0
563

Hargeysa(Geeska)-Madax dhaqameedka beelaha ku dagaalamaya deegaanka Ceel Afweyn, ayaa baaq nabadeed u diray beelahaas walaalaha ah.

1

Salaadiintan oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay beelahaas ugu baaqeen inay colaadda joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan nabadgelyada.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, ayaa ugu horayn yidhi , “Waxaanu isugu nimid inaanu baaq nabadeed iyo tallaba u jeedino ehelka muddooyinkan dambe colaadu ku soo noqnoqonaysay dhexdooda, waa arrin aad iyo aad u naxdin leh, waxaanan leenahay arrintaas dad ehela ayaad tihiin oo si walba u wada dhashay oo aan la isu kiin sheegayn waxaad isu tihiin, waxaanu leenahay shaydaanku yaanu idinka xoog badan, wixii dhacay way dhaceene w axaanu soo jeedinaynaa inaad nabad qaadataan.”

Suldaan Maxamuud Guuleed oo isna halkaas ka hadlay ayaa beelahaas ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan nabadda, “Waa taloow colka jooji, waxaanu walaalayaal idin leenahay isku guri iyo ehel ayaad tihiin ee dagaalka joojiya. Waxaanu leenahay hala joojiyo colaadda.” ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed.

Suldaan Siciid Ducaale, ayaa isna sidoo kale wuxuu ku baaqay in colaadda la joojiyo, waxaanu sheegay in cidda go’aankii nabadeed ee hore loo kala qaatay jabisay ay mudan doonto ciqaab Alle iyo ciqaab dawladeed.

Suldaan Cadde Gude ayaa isna dawladda Somaliland ku ammaanay sida ay u xakamaysay in dagaal dambe dhex maro beelahaas walaalaha ah.