Hargeysa(Geeska)-Masuuliyiinta Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa xukuumadda ugu baaqday inay joojiso wada hadalkada ay kula jirto Somaliya oo ay ku tilmaameen kuwo Somaliland u horseeday ceeb iyo sumcad xumo.
Waxa ay masuuliyiintani xukuumadda ku canaanteen waji xun oo ay sheegeen in Somliland ay wada hadaladaasi u yeeleen, iyaga oo ku baaqay in la dhiiri galiyo doodii wada tashi oo ay sheegeen in lagu saxo waxyaabaha dalka ka qaldan, isla markaasna laga dheereeyo inuu noqdo kulan aan waxba sixin.
Masuuliyiintan oo warbaahinta wada jir ula hadlay waxa ka mid ah guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure, Afhayeen Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne iyo Eng.Maxamed Xaashi, waxaanay sida oo kale xukuumadda ku canaanteen wax ka qabasho la’aanta tahriibka iyo muwaadiniinta la xidhi xidhaayo.
Ugu horayntii Eng.Maxamed Xaashi oo ka hadlaayay arimaha wada hadlada Somaliland iyo Somaliya iyo kulano bilawgii shirarkaas ay ka yeesheen golaha wasiirada oo markaas uu ka mid ahaa waxa uu yidhi“Arintani halkan ay ka murkacatay waxa ay ahayd shirkii London lagu qabtay ee u horeeyay, golaha wasiirada ayaa la keenay in shirkaas la tago, maalin Khamiis ahna waanu ka hadlnay, waxa laysku wada raacay in aan shirkaas la tagin,Khamiistii danbe ayuu wasiirkeena dibadu Ingiriiska ka yimi waxa uu keenay war cusub oo waxa uu yidhi,meel gaar ah ayaa layna fadhiisinayaa,dawladaha ka soo qaybgalaaya ayaynu ka mid nahay,roogbaa laynoo dhigayaa, macnaa wax ka duwan ayaynu nahay goboladan Somaliya ee isku imaanaaya,aniga iyo inanta wasiir ku xigeenka ka ah wasaarada caafimaadka ayaa diidnay.haddaan wax ka idhaahdo sida aan u fikiraayay, shirka laysugu yeedhay gobaladii Somaliya ee kala cadhaysnaa markaad tagto gobol goboladaas Somaliya ee cadhoonaaya ka mid ah uunbaa lagaa soo qaadayaa, ilaa maalinta aynu shirkaas tanay waxaynu noqonay gobal Somaliya ka mid ah,dawladii ixtiraamka inoo hayayna halkii ayay ku nafsad jabeen, markii cilinkeena la saari waayay.”
Eng. Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Mudada shirarkan aynu Somaliya la galnay nusqaan weyn ayaa inaga soo gaadhay,waxay ku faanaan markay soo noqdaan dawlado badan ayaanu aragnay, waxaad moodaa iyaga oo sidooda u socda in aanay cidna arkayn.wax faa’ido ah oo shirarkaas ka soo baxay ma jiraan, wax aynu ka filaynaana ma jiraan, anagu waxaanu qabnaa shirkaas waynu ku ceebownay,magac xumo ayaa inoogu jirta oo haybadii dalkaa ku luntay, u malayn maayo in xataa wada hadalkaas ay nin sharci yaqaan ah u kaxaystaan ama dastuurka sii qaataan, maxaynu la tagnaaba ma yidhaahdaan. Anagu waxaanu qabnaa sidani waa fool xumo qaranimadii Somalilandna waa la baabiiyay,waxay yidhaahdaan kama noqonayno gooni isku taagii, laakiin ficilkeedii halaga arko, waxaanu leenahay dawladu haka noqoto oo wada hadalkan iyo Turkigan la tagaayo ee aan ogolayn in ay cidi kala go’do ee isaguba qaar adoonsanaaya, dhaqaale ayaynu ka helaynaa ayay odhnayaan, waar inteenaba aynu hagaajisano way inagu filnaan lahayde.”
Guddoomiyaha Madasha mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa siaguna dhankiisa ka hadlay doodii qaran iyo halka ay marayso, isaga oo dhanka kalena xukuumadda ku dhaliilay inay ka tagtay saami qaysigii lagu heshiiyay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Shirweynihii aanu qabanaynay waxa uu ku danbeeyey markii anaga(Madasha wada tashiga) nala yidhi ma qaban kartaan, waxaanu is nidhi fududeeya oo xisbiyada mucaaridka ahi ha qabtaan,xisbiyada mucaaridka ahna waa laga wareejiyey oo waxa la yidhi cid aan labadiina ahayn oo dhex ahi ha qabato,markaa Akademiga ayaa gogosha dhigaaya, shirkaasna anagu markii hore ajandayaal ayaanu gaynay, markii xisbiga Kulmiye ku soo biiray labada xisbi mucaaridna waa la dhilay ajandihii intii ka soo hadhayna may xumayn mar hore-na waanu taageernay, in laysku yimaadana waanu soo dhaweynay laakin waxaanu nidhi marka laysku yimaado yaanu shirkaasi noqon siminaarkan ay hay’adduhu qabtaan oo kale. waa inuu shirkaasi noqdaa wax umadda dan u ah oo ay tallo ka soo baxdo waa in lays waydiiyaa waar halkee ayeynu maraynaa, markii Somaliland la dhisayey laba arimood ayeynu soo bandhignay, waxaynu dhiganay distoor waxa kale oo aynu dhiganay waxyaabo aan qornayn oo ah is af garad guud, marka laga soo bilaabo shirkii Burco iyo kii Boorame ee lagu sii xoojiyey waxa jiray inaynu dhiganay heshiis lagu qaybsaday kuraasta iyo mansabyada siyaasiga ah ee la doorto,qofkana waxa loo doortaa inuu cid matalayo, rukumada dawlada ee la wada leeyahayna inay Somaliland ka wada muuqato ayey ahayd, taasna wax badan ayaa ka dhinmay oo golaha guurtida, golaha wakiilada, garsoorka, madaxweynaha, wasiirada intii cus cuslayd iyo taliyayaashii ciidamada intaas oo dhanba isku qolo ayaa qaadatay, haddii lagu yidhaahdo wixii oo dhan bel ayaa qaadatay, waa daw oo heshiiskeenu waxa uu ahaa inaynu wax wada yeelano.”
Gudoomiyaha madasha wada tashiga iy toosinta qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Saami qaybsiga dalkuna maaha wax cilmi loo raadinayo waxaana ka horaysa maxaynu ku heshiinaa, marka la leeyahay dood siyaasi ayaa la qabanayaana waxa weeyaan waar horta ma wada hadalnaa waxaanu qabnaa in laga leexday majarihii aynu markii hore dhiganay, waxaanu qabnaa in wixii aynu ka dagaalanay aynu dib ugu noqonay,dadka ku dhintay mudaharaadadii dalka ka dhacay intii uu xukunka hayey madaxweyne Axmed Siilaanyo kumay dhiman mudaharaadyadii Maxamed Siyaad Barre, dhagax tuurkii ka dhacay Hargeysa ragii qaban qaabinayey ayaan ahaa kumay dhiman inta ku dhimatay mudaharaadkii Xaqsoor,mudaharaadkii Biyaha,mudaharaadkii Burco markaa waxa weeyaan waxaynu ku noqonay halkii hore.”
Mujaahid Xasan Guure Jaamac waxa uu sidoo kale xukuumada ku canaantay xadhiga aan xadka lahayn ee lagu hayo bulshada Somaliland, waxaanu si adag uga hor yimid xadhiga loo gaystay gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuled iyo sidii ay xukuumadu xisbiga Ucid uga hor istaagtay booqashadii gobolka Gebilay.
Mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne) ayaa ugu danbayntii xukuumadda ku dhaliilay wax ka qabsho la’aanta tahriibka dhalinyarada iyo arimo kale, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Qofka gudihiisa nadiifiya ayaa meel kale u gali kara, waxaynu ka hadlaynaa dibad iyo Turki loo tagay, magaaladda gabigeedaba waxa aad ugu tagaysaa ma taqaanaa Puntland,Itoobiya iyo caruurtiibaa iga baxsatay, bal umaddan dhan ee ninkii guraayay halkan hortooda fadhiyo ee ay la gurayaan eega, caruurtii badaa liqaysa,qaarkoodna waxay wadhan yihiin ilaa Itoobiya,Suudaan iyo ilaa Libiya, marka aad ilaashan kari waydo inankii jaamacada iyo dugsiga kaaga soo baxaayay maxaad ilaashanaysaa, ubadkiibaa dhintay oo afarta jiho baabuurtu u guraysaa, ee miyaad joojin kari waydeen(Xukuumadda),wadan ay ubadkiisii sidaas u jabayaan wadan ma noqonaayo, caruurta yar yar ayaa igu yidhaahda walaahi inaan hebel u tagi, hebelkaas oo ah kuwa idaacada dadka ka gura,dawladu miyay garan wayday,waxa uu ilmaha yar garnaayo.”