Mac-Hadka Faafinta Islaamka Oo Kulan-Diimeed U Qabtay Dhallinyarada Dugsiyada Waxbarasho Ee Xaafadda Daami

0
451

Hargeysa (Geeska)- Mac-hadka Faafinta Islaamka ayaa kulan-diimeed ballaadhan oo wacyigelin ah u qabtay dhallinyaro fara badan oo ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiyada waxbarasho ee ku yaal xaafadda DAAMI ee magaalada Hargeysa. Kulankan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagu casuumay dhallinyaro tiradoodu ka badan tahay 150 isugu jiray rag iyo dumarba oo ah arday wax ka barata laba madarasadood iyo hal dugsi oo kuwa dawladda ah oo ku yaal xaafadda Daami ee Hargeysa oo ay khudbado iyo muxaadarooyin diini ah u jeediyeen madaxda iyo culimada Mac-hadka Faafinta Islaamka.

Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo furintaankii kulanka hadal ka jeediyey, ayaa ka warramay mac-hadkooda iyo shaqada uu qabto oo uu sheegay inay salka ku hayso ku wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada ee waxyaabaha wanaagsan iyo inay ka fogaadaan waxyaabaha xun-xun ee diinteenu xaaraantinimaysay.

“Waxaannu dadka ka wacdinaa in aanay is dilin, cidna dilin, in aan la tahriibin, in laga fogaado waxyaabaha xun xun oo dhan, waxa kale oo aannu ku wacdinaa cabsida Ilaahay iyo inay ku dadaalaan camallada wanaagsan ee uu ina faray sida Salaadda, waayo intaynu adduunyada joogno haddii aynu wax wanaagsan qabsanwayno aakhiro qof waliba wuxuu helayaa wixii uu ifka ku soo shaqaystay,” ayuu yidhi Sheekh Mooge.

Guddoomiyaha Akadamiga Waxbarashada iyo horumarinta Beelaha la haybsooco ee Aadam Academic  MD Liibaan Ismaaciil Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ka warramay xaaladda beelaha la hayb-sooco oo uu sheegay in isaga iyo dhallinyarada kulanka loo qabtayba inay ka soo jeedaan, kuwaas oo uu xusay inay yihiin dad sharaf leh oo aan lagu aqoon dhaqannada xun xun sida falalka is-qarxinta.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Bulshada aannu ka soo jeedno ee beelaha Gabooye, waxa dadku inta badan ka qabaan fikrado xun, laakiin dhallinyaradani maaha kuwa is-qarxiya, kuwa tahriiba iyo dad dawarsada oo suuqyada meeraysta ee waa dad sharaf leh oo tilmaaman oo shaqaysta, waxna barta. Maanta la soo helimaayo qof keliya oo beelaha Gabooye ka mid ah oo gobollada Somaliland ugu xidhan falal argagixiso.

Haseyeeshee, dhibaatada keliya ee bulshadayda haystaa waxa weeye xaqiraad aanaan xaq u lahayn oo lanagu hayo iyo baahida oo looga faa’iidaysto.”

Boqorka Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iimaan Warsame, ayaa si wayn ugu mahadceliyey Mac-hadka Faafinta Islaamka kulan-diimeedkaasi uu u qabtay dhallinyarada xaafadda Daami oo uu sheegay inuu tusaale u yahay in la ogaaday jiritaanka bulshadiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay dhallinyarada beeshu marnaba ka mid noqon da’yarta qaluubta laga xado ee ku kaca falalka is-miidaaminta nafeed ee sida khaldan loogu nisbeeyo diinta Islaamka, isla markaana uu aad ugu yar yahay aafada tahriibtu.Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali oo ah wakiilka mac-hadka ee Gobolka Marooji-deex, ayaa muxaadaro qiimo badan oo uu halkaasi uga jeediyey dhallinyarada waxa uu kaga hadlay falalka is-qarxinta iyo waxa diinta Islaamku ka qabto, “Taariikhdu waxay qoraysaa in argagixisadu markii ugu horreysay ka soo baxday Yurub oo aanay Muslim iyo Carab toona shaqo ku lahayn. Islaamka waxa lagu bartay caddaalad iyo sinnaan, xataa Islaamku waa diinta keliya ee ogol in dad diimo kala duwan haystaa wada noolaadaan oo dawlad keliya wada samaystaan,” ayuu yidhi Sheekh Qorane. Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Awqaafta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdalle Ibraahim ayaa isaguna kulanka ka jeediyey muxaadaro uu kaga hadlay cabsida Ilaahay iyo qiimaha diinta Islaamku siisay qofka muslimka iyo xidhiidhka bulshada islaamku la yeelaynayso dad kale oo aan diinta haysan. Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyey Suxufiga caanka ah ee Maxamed Xasan Cali (Weji) oo isagu soo bandhigay erayo kaftan u badan oo ka qaybgalayaashu ka qosliyey iyo Khaalid Cabdiraxmaan oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka dibadaha wax ku soo bartay ee beelaha la hayb-sooco.