Hargeysa(Geeska) :-Munaasibad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta dawlada hoose ee Boorama ayaa badhasaabka gobalka Awdal Md.Ramaax, xilkii Maayirnimo u kala wareejiyey Maayirkii hore ee golaha deegaanka Boorama Md.Saleebaan Xasan Xaddi, ku xigeenkiisii iyo Maayirka cusub ee golahaasi Md.Maxamed Xuseen Maydhane iyo ku xigeenkiisa cusub oo dhawaan xilka golahaasi loo doortay.
Waxaana ka soo qeyb-galay madaxda gobalka, saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha, madax-dhaqameed, wax-garad iyo xildhibaanada golaha deegaanka deegaanka degmada Boorama. Maayirkii hore ee golaha deegaanka degmada Boorama Md.Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn balan qaaday in uu si fiican ula shaqaynaayo Maayirka cusub ee golahaasi, waxaana uu sida oo kale ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistiisii. "Horta waanu is ogeyn oo waanu isla degnay oo waanu isku garab dhacnay runbaa fiicane, markii danbena halkii nala soo wada qaban lahaa ayaa isaga gacanta la soo qabtay, taasina waxa weeyaan Siyaasada ayaa iska leh in ay hesho hiilis oo bahashu marka meel la isla soo gaadho siyaasada ayaa u baahan in la isu hiiliyo, marka Maayirka loo hiiliyey anna waan garab taaganahay".Ayuu yidhi Saleebaan Xasan Xaddi. Maayirka cusub ee Boorama Md.Maxamed Xuseen Maydhane oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa, waxaa uu ka codsaday xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama in ay la sheeqeeyaan. Badhasaabka gobalka Awdal Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Maayirka cusub iyo ku xigeenkiisa uu Illaahay uga baryaayo in uu ku asturo xilka ay loo doortay. "Runtii waxaan Illaahay kaaga baryeyaa in hawshaas kugu asturo, marka aad bannaanka ka joogto maamulku waxa laga yaaba in ay kula fududahay se marka aad soo dhex gasho ayuunbaad arkaysaa baaxada inta ay leeg tahay hawshu".Ayuu yidhi Md.Ramaax.