Maayarka Gar-Adag Oo Ka Waramay Hawl-Galo Ay Fuliyeen

0
525

Hargeysa (Geeska)-Maayarka Degmada Gar-adag, Faarax Aadan Ciise, ayaa ka waramay hawl-galo ay fuliyeen, oo ay ku baabiyeen, Beero uu sheegay in la ootay.

Maayarka Degmada Gar-adag oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale sheegay in adeegyada iyo baahiyaha aasaasiga ah ee arimaha bulshada inay wax badan ka qabteen, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Anaga oo ah Maamulka Degmada Gar-adag, ayaa anaga oo kaashanayna Ciidamada Asluubta iyo Booliska ayaa waxa aanu hawl –galo aanu ku baabinayno Beero si sharci daro ah loo ootay in aanu fulinay, kuwaas oo inta badan dadka Deegaanadaasi ay aad iyo aad u soo dhaweeyeen, waxaana Bulshada Deegaanada Gar-adag degan ugu baaqay in aanay si sharci daro ah u oodan meelo aanay lahayn”.

Maayarka Degmada Gar-adag oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Baahiyaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada wax badan ayaanu ka qabanay, oo horumar ayaanu ku sameeynay, sida Waxbarashadii oo aanu sare u qaadnay, Biyihii oo aanu sameeynay Biyo balaadhin, anaga oo Degmada Gar-adagna ku sameeynay biyo gelin, Caafimaadkiina wax badan ayaanu ka qabanay, oo bishan gudaheeda waxa aanu rajanaynaa Baabuur Ambalaas ah oo Misaaniyada Dawladda lanoogu daray, anaga oo Wasiirka Caafimaadka uga mahadnaqaya, waxa kale oo aanu ka qeyb qaadanay oo aanu Waddada Ceerigaabo, iyada oo Waddadu maraysa Gar-adag, ayaanu qaadhan ururinay”.