Nin abwaana baa yidhi .
Afku erayga khayrka leh
haddii aanu odhanayn
inuu aamusaa u wacan”
nin kale oo aanu saaxiib nahay oo la yidhaa C/raxmaan sh. Cilmi Fahiye(Shamax) ayaa isna laga hayey mar uu nin u jawaabayey
Yey kaa engaginoo lagaa laabin agabkee imikaad u dhawdee istayqfurala maad odhan
Waayadii hore Somalidu dhaqan wanaagsan bay lahaan jirtay , haddase waxaa soo kacay qaar aan haadba haysan oo bilaa xuduud ah.
Hees ka mid ah heesaha aan maqli jiray ayaa iyaduna tidhaa “cilmiga ha laguu dhigee caqliga kaashabaa la yidhi”
Mid kale anigu waxaan islahaa aqoontan casriga ah iyo horumarkani bulshada waxbay u soo kordhin doonaan , waxase ayaan daro ah in dhalinyaradii jamacadaha ka baxday ee la islahaa wax dadka iyo dalkooda wax u taraya ayey soo tabin doonaana ayaa xaalkoodu noqday jaantaa rogan (been abuur , cay, aflagaado , war aan sal iyo raad toona lahayn) iyo xag xagasho u badan hugri,
Somalidu waxay odhan jirtay “gadhow ku sii daayee gafuur dhaaf” allaylehe kuwanaa dabarka goostay ,iyadoo taasi jirto hadana qofka wax qoraya waxa la gudboon in uu ka fiirsado waxaa uu ummada u soo gudbinayo.
Maalintii jimcihii ee 8dii bishan aynu ku jiro waxaan websaydka Hadhwanaag , ka akhriyey nin lagu magacaabo Abokor cumar Cismaan .
Oo laba maqaal soo wada qoray Oo labadaba ku caayey ama aflagaadaynayey maayarka Caasimada Hargeysa . waxaanu soo qoray qoraal aan macno badan xambaarsanayn in kasta oo uu muuqday nin dhalinyaro ah , haddana murti baa ahayd “nin yari intuu geed ka boodu talo ka booda” inkastoo aan u arkay Abokor shakhsi nacayb taasna looma bahna , waxaan xasuusin lahaa inay xaaran tahay in qof bini’aadam ah sharaftiisa meel kaga dhacdo diinteenda suubani ma oggalaa.
Lacagaha la lunsaday iyo waxaad ka sheekaynaysana dalku hanti dhawr buu leeyahay wixii la lunsado iyo wixii laga shakiyaba hanti dhawrkaa inoo qaabilsan , ta kale ee aad tidhi “ dalka Sweden buu qoxooti ka qoran yahay maayarku kolay warkaasi adiguu kugu kooban yahay , Waase eray su’aale adiga shaqadu Maxay tahay? , kolay socod barad baan kuu arkaa anigu , laakiin meel wanaagsan ka bilow nolosha xumaan horumar laguma gaadhee.
Waxaa kale oo aan ku faa’iidaynayaa saddexda nooc ee bini ‘aadama shakhsiyadoodu u qaybsanto waxaanay kala yihiin sida soo socota..
Qof dadka uun ka sheekaya( Tusaale .ninkii hebel baryahan wuu lacagaystay , hebelkii kalena wuu dhuubtay, heblaayo waa la furay, hebelkiikalena wuu guursaday , hebelkii kalena wuu dhoofay IWM. Qofka caynkaas ah somalidu waxay u taqaanaa maangaab.
Qof dhacdooyinka uun ka sheekeeya (Tusaale , qarax baa halka ka dhacay, Ruushkaa maraykan u hanjabay, daad baa qaaday dadkii dooxa ag deganaa I.WM.
Qofka caynkaas ah soomaalidu waxay u taqaana, meel dhexaad.
Qof fikrado cusub keenta ( Tusaale Qof waxyaabo cusub ku soo kordhiya dunida, ama horumar balaadhana gaadhsiiya ummadiisa ) qofka caynkaas ah somalidu waxay u taqaanaa “wax garad” ama hal abuur .
Hadaba adigu waxaad noqotay kuwan dadka uun faalaynayee bal dib iskuugu noqo.
Dhinac kale maayarka caasimadu Hargeysa Mudane C/raxmaan Caydiid (Soltelco )haddaan wax yar kaaga taabto intii uu xilka hayey wuxuu ku talaabsaday horumar la taaban karo , haday noqoto bilicda caasimada oo uu hagaajiyey marka loo eego cidihii ka horeysay , wadooyinkana daa hadalkooda intaas oo wado oo cusub buu soo kordhiyey , tusaale wadadii ugu dambaysay ee laga dhisayey degmada 26 juun oo isku xidhi doonta boqol iyo kotonka iyo goljano .
Meelaha qaar markaad marayso waxaad arkaysaa islaamo u ducaynaya oo leh maayarkani C/raxmaan waa dal dhaweeye oo magalaadii buu isku soo dhaweeyey.
waxaa taariikhda u gashay oo aan la dafiri Karin in uu noqdo ebid maayarkii ku dhiiraday in ay suurta gasho oo ay socoto rakibaada qalabtkii wadooyinka oo isu jira dhowr warshadood oo rakibaadoodu socoto , markay hawshaasi dhamaata hargeysa iyo Somalilandba ka haqab beeli doonaan wadooyin casri ah haddii eebbe idmo.
Waxaa haatan bilaabmay hawlo baaxad leh oo lagu qurxinayo caasimada hargeysa sida wadooyinka hareeradooha oo la Dhigayo marmar .iyo dhirayn qurux badan oo lagu xusuusan doono.
Waxyaabaha yar yar ee dhimana waxaan ilaahay ugu baryayaa in uu fududeeyo , waanan uga mahad celinaynaa maayarka hawsha adag ee u qarankiisa u qabtay taariikhdaana xusi doonta haddii aad adigu xusi wayday. Adiguna haku mashquulin wax aan shaqadaada ahayn.
Waxaan hadalkaygii ku soo afmeeray ,“xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab”
W/Q: Kamaal Xassan Isaaq
00252-634402758
Email. kamalcadow@hotmail.com
Hargeysa Somalilad .
Muwaadin dalkiisa iyo dadkiisaba jecel.
(MDDJ)