Maareeyihii Wakaalaldda Biyaha Hargeysa : Masuul Ku Suntan Waxqab Baahidiisa La Tabayey In Ka Badan Nusqarni Deeq Aw Cali Yuusuf

0
840

Sida aynu ka war qabno Wakaallada Biyaha ee Hargeysa waa wakaallada ugu balaadhan wakaalladaha dalka maamul ahaan, qalab ahaan & awood ahaanba (cabable capacity) waxaanay waraabisaa macmiisha ugu tiro badan dalka JSL, oo ah qiyaas ahaana rubuc (¼) kamida dadweynaha ku dhaqan Somaliland.

1

28 August 2010 ayuu madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xilka maareeyaha wakaaladda biyaha hargeysa u magacaabay Mud. Ibraahim Siyaad Yoonis oo xilkaas hayay ilaa December 2016 oo noqonaysa mudo ku siman 6 sano iyo sadex bilood.

Maqaalkan waxaan idinku soo gudbin doona xog sugan oo ka warmaysa waxqabadka muuqada ee Wakaaladda Biyaha mudadii uu maareeyaha ka ahaa Ibraahim Siyaad Yoonis iyo waliba dabacadihiisa shaqada.

 Meelaha ugu muhiimsan ee laga daalacan karo waxqadkiisi waxa ka mida Nidaamadka Biyo soo –saarka iyadoo Wakhtigan xaadirka ay mishiinnada biyo-soo-saarku shaqeeyaan maalin walba 23 saacadood taasoo kordhoisay xadiga biyaha iyo tirada guryaha biyaha laga galiyey.

Dhinaca dakhliga ayaa isaganu kordhayay tan  sanadkii 2011 marba heer ha joogee.

Waxa wax laga qabtay tayaynta shaqaalaha wakaaladda iyadoo sida aynu la wada socono wakaaladda Biyaha Hargeysa ay ka mid tahay Hay’adaha ugu shaqaalaha badan waxa ay dhan yihiin 324. Sannadahii u dambeeyey waxa la kordhiyey tirade shaqaalaha guud ee wakaaladda iyadoo in badana la dalacsiiyo lana siiyey  abaalmarino kala duwan in badan oo kalena la dhisay tayadooda iyadoo la siiyey tababaro iyo aqoon korosi ay qaarkood kaga qaybgaleen dalka dibadiisa.

Markaa laga yimaado dhinacyada aynu soo sheegnay waxa kale oo horumar badan laga sameeyey dhinaca agabka kala duwan sida miishanadda iyadoo  7 mishiin oo dab-dhaliyeyaal ah & 10 bam oo nooca biyaha soo nuuga lagu soo kordhiyay. Sidoo kale Ceelasha biya soo saarka geed-deeble ayaa iyagana lagu soo kordhiyey 3 ceel oo cusub iyadoo ceel ka mida ceelashaasna lagu  rakibay  qalab lagula soconayo heerka biyaha sida kor u kac & hoos.

 Gaadiidka Wakaaladda a lagu soo kordhiyey gaadiid tiro badan oo noocyo kala duwan aha kuwaas oo ka qaybqaatay daradar galinta hawlaha Wakaaladda.

Waxa xusid mudan in dhismayaal badan laga hirgaliyey goobo kala duwan, iyadoo makrii ugu horeysay taariikhada Somaliland la dhisay shaybaadhka biyaha  oo laga hirgalieyey Xarunta Wakaaladda. Shaybaadhkan ayaa lagu baadhi doona biyaha ay cabayaan dadwayanah ku dhaqan caasimaddu si loola socodo tayadooda.

Si bulshadu u hesho adeegyo hufan oo raaligaliya waxa xafiisyadda u adeega  macmiisha lagu soo kordhiyey qalab cusub oo farsamo ahaan ka fudud kana dhakhso badan kii hore wax wayna ka bedelay culayskii adeega loo fidinayey  macmiilka  biilka bixinaya.

Dhinaca Mashaariicda Biyo balaadhinta

Sanadihii ugu danbeeyey Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay fulinaysa mashaariic badan oo kala duwan kuwaasoo oo loogu talgalay biyo balaadhinta Caasimadda waxaana ka mida mashaariicdaa:-

Mashruuca Biyo-balaadhinta Hargeysa (HUWSUP)

Mashruuca Biyo-qabatinka Xaraf(Haraf infiltration project)

Mashruuca difaaca daadadka ee Geed-deeble (dhamaaday)

World Bank 2(World Banks UIPP/SUIP)

Mashruuca Daraasadda ee Horo-Haadley

Mashruuca Guriyeynta dadka dul deggan Barkadda Sheedaha

Mashruuca Coca-Cola Company

.Baanka Horumarinta Afrika (ADB)

Mashruuca biyo-qaybinta magaalada ee Baanka ee  Jarmalka (KFW)

Dhinaca heshiisyada caalamiga ah waxay Wakaaladda biyaha hargeysa Heshiisyo ku salaysan Isfahan iyo wada shaqayn la saxeexatay Hay’ado badan oo qaarkood ay wakiilo ka yihiin Wadamdda Qadhaan-biyayaasha hadii aynu qaarkood xusan waxa ka mida : DFID, KFW, Danida, EU, Netherland iyo Norwegian Authorities. )

Intaasi waxay ka mid ahayd waxyaabaha ugu muhiimsan ee u qabsoomay Wakaaladda biyaha mudadii mareeyey Ibraahim.

Dhinaca dabeecadihiisi shaqada sida ay ka marag kacayaan shaqaalaha wakaaladdu waxa  uu maalin walba shaqada soo gali jiray inta aanay gaadhin 7da subaxnimo isagoon la arag maalin kaliya bilaa cudur daar inuu ku maqnaaday.

Waxaan waydiiyey mid ka mida shaqaalaaha

Wakaaladdaimaanshihiisa shaqada ee maalin laha ah (attendance) Waxa uu igu jawaabay “laba sano oo aan joogay maalin ayaan ka waayey xafiiska, markii danbena waxa la ii sheegay inuu xanuusanyey”.  Mudo ku siman sadex sano ayay ahayd markii aanu aniga iyo Maareeye Ibraahim ku kalanay shaqo oo ahayd isbarashadaydii ugu horeysay tan iyo wakhtiga tiraba dhawr iyo toban jeer oo aanu kualanay marna kamaan waayi xafiiskiisa oo markasta aan ugu iman jiray xiliga balantu ahayd.

Maareeye Ibaraahim Siyaad sidoo kale waxa uu ahaa masuul si kalsooniya uga warbixiya hawla shaqo ee uu qaranka u hayey, waxa uu tiraba ilaa 8 jeer hortagay labada gole ee baarlamaanka Somaliland isagoo xogwarn ka siiyey hawlaha shaqo. Sidoo kale waxa uu ku martiqaad iyo kulamo kala duwanba la yeeshay xubno ka tirsan goloyaasha qaranka, Culmaa’udiinka iyo qurbo jooga isagoo soo tusay goobaha ugu muhiimsan ee ay ka socdaan mashaariicda biyo balaadhintu warbixno kala duwan ka siiyey  waxaanay tusaale u tahay masuul kasta oo xil u haya umaddu inuu si kalsooni ku deehantahay ugu xogwaramo bulshada uu xilka u hayo.

Waxyaabaha ay ku xasuusan doonaan shaqaaluhu

Markii aan maqlay xilka qaadista maareyaha runtii waxaan dareemay inuu baneeyey kaalinwayn oo qiimaheeda lahayd waxa maskaxdayda ku soo dhacday inan ka diyaariyo maqaal aan kaga hadlayo waxqabadkiisi iyo dadaalkiisi waxaan uu kuurgalay inaan raadiyo xogtan aan soo bandhigay.Xogta ka sokow waxa ii suurogashay  inaan qaar ka mida shaqaalaha waydiiyo waxyaabaha ay ku xasuusan doonaan  ee dabeecadahiisi shaqo. Shakhsiyaadkii aan la kumay waxay ii sheegeen inay ku xasuusan doonaan

Inay shaqaaluhu heli jireen musharkooda bil kasta kowdeeda iyadoo ay u dheerayd xaqal ciidka labada ciidood ay helaan intii uu Ibraahim Siyaad Marreyaha ka noqday Wakaaldda. Waxa kale oo ka mida waxyaabaha ay ii sheegeen inay ku xasuusan doonaan , dhiirigalintii uu u sameyn jiray shaqaalaha isago bixin jiray abaalmarino ay ka midyihiin dalacsiin, lacag iyo agab kale. Sidoo kale waxa uu xooga saari jiray sidaa loo tayayn lahaa aqoonta shaqaalaha waxaana la siin jiray tababaro iyo aqoon kororsiyo badan taasoo waxwayn ka bedeshay habsami u socodkii shaqada Wakaaladda.

By : Deeq Aw Cali Yuusuf