“Maanta Calankeenii Iyo Qaaranimadeenii Way Dhaawacantahay”Siciid Sulub

0
678

Hargeysa(Geeska)-Siciid Sulub Maxamed oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo la soo dhex fadhiisiyo shir qabiil oo uu dabadeed khudbado ka jeediyo.

1

Siciid Sulub oo ka mid ahaa madax ka tirsan Waddani oo shalay shirjaraa’id qabtay, wuxuu yidhi “Maanta waxa muuqata rafaadka dhacaya iyo fool xumada socota ee dadkii talada Somaliland hayay ay la soo horafadhiisanayaan, haddii laga helo maanta inaanay xukunka wareejinayn.  Waxaynu dadka ka tacsiyadaynaynaa haddaanu nahay xisbiga Waddani, dhibaatada halkaas ka dhacday ee nacabkii ku wiirsanayo, nasteexiina ka naxayo in madaxweynihii qaranku intii weftigii socday la kala qoleeyo oo qoysna lala shiro, wasiiradii madaxweynaha la socday waxay dhagaysteen oo anoo mucaarad ah ay ila dhagaysteen oon aad uga xumahay in abtigaygii kalgacaylka Siilaanyo ku ooyayay in dibadda la dhigo [wasiir Cadaani], haddii laga faqay wasiiradii Siilaanyo la socday maxaa saxaafadda hadaladii loogu soo daayay.”

Siciid Sulub wuxuu yidhi, “Waxaan aad uga xumahay tacabkii qarankan loo soo galay ee marna loo soo halgamay markii labaadna dhawrka iyo labaatanka sanno aynu doonaynay inaynu qaranimo iyo dawlad samayno marxalad ka liidata tii 1991-kii iyo 1997-kii halkaynu maraynay oo caalamku waxba inaga ogayn xataa iyadoo dhiigu daadanayo in fadeexadeenii banaanka u soo baxdo oo dadku ina daawado iyadoo qaran la ina moodayo oo shuruuc iyo calan samaynaysay inaynu qoys qoys inagoo ah xataa la garan waayo in lala faqo waxyaabaha fagaaraha lala yimid.”

Siciid oo hadalka sii wataa wuxuu yidhi “Maanta calankeenii iyo qaranimadeenii way dhaawacantahay, xisbiga Waddani waxa ku wada jira saddexdii xisbi ee aasaasay ee UDUB, UCID, hayb aan ku jirin ma jirto, dadkii KULMIYE soo saaray maanta waa Waddani, halkaas waxa gayaysiisy in la xoqo nabaro bogsaday waxay u muuqataa markay dadkii ka dareereen inay ku ololeeyaan.”

Isagoo madaxweynaha la hadlaya wuxuu yidhi “Madaxweyne maanta waxa kuu tudhaya mucaaradka ee muxaafid kuu tidhi maayaan, dadka halkaas ku soo fadhiisiyay kuumay tudhin.