“Maanta Cabdiraxmaan-Cirro Kuma Odhan Karo Xisbiga Sidaas Ka Daa’, Faysalna Hadalkiisaba Daa’ Xisbiga Aanay Dimuqradiyadi Ka Jirin, Ma Dhisi Karo Dawlad Dimuqraadi Ah”

0
815

Hargeysa(Geeska)-Waxa xalay magaalada Hargeysa lagu qabtay kulan lagaga hadlay distoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Somaliland.

Kulankaas oo uu soo agaasimay machadka HIPSOR   waxa ka qayb galay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, Dr. Cali Khaliif Galaydh, guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,  Garyaqaan Guuleed Dafac iyo garyaqaan Maxamuud Xuseen Faarax.

Jirde

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa isagu wuxuu tilmaamay in qabyo badani ka jirto Baarlamaanka Somaliland, “Baarlamaanku waa qabyo, qabyadaas mujtamaceena  ayaanu la mid yahay, 1997 aniga 13 caaqil iyo suldaan ayaa ii soo saxeexay, waan hayaa warqadii lay qoray ee la yidhi shuruudii wuu buuxiyay, cidda I dooratay ee I keentay waan aqaanay, 2005 xisbi ayaan ka soo baxay, xisbigaas wax allaala iyo wax tallo iyo taban taabo ah oo uu igu lahaa may jirin, aniguun ayaa is waday, lacagtaydii ayaan ku soo baxay, aniga iyo xisbigii bartaas ayaanu ku kala tagnay.” Ayuu yidhi Jirde oo intaas raaciyay “Si aanay xisbiga iyo xildhibaanadii baarlamaankayagu u kala go’in waxaan soo jeediyay 33ka xildhibaan ee UDUB ka soo baxay si aanaan xisbiga uga dhex bixin aanu golaha dhex galno, 7 ka mid ah ay guddiga fulinta gasho mid ka mid ahina uu noqdo madaxweyne-xigeenka labaad oo xafiiskaa la sameeyo markaasay xisbiga iyo xildhibaanadu wada socon lahaayeen. Xisbi xildhibaanadiisii meel ku ogi ma jiro.”

Wuxuu ka hadlay xaaladda xisbiyada Somaliland oo uu tilmaamay inaanay gudahooda ka jirin dimuqraadiyadi, waxaanu tusaale u soo qaatay aragti uu kaga horyimid madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Aragtidaas ayuu sheegay inay ku saabsanayd xisbigii UDUB, laakiin wuxuu tilmaamay inaanu maanta ka horiman karin Cabdiraxmaan-cirro oo guddoomiye ka ah xisbiga Waddani, “Maanta Cabdiraxmaan-cirro kuma odhan karo xisbiga sidaas ka daa’, Faysalna hadalkiisaba daa’, xisbiga aanay gudihiisa dimuqraadiyadi ka jirin, dawlad dimuqraadi ah ma dhisi karo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Jirde.

Cali Khaliif

Siyaasiga Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa isna madashaas ka hadlay, waxaanu ku taliyay inay muhiim tahay in la qaybsado dheefta dalka, “Salka Somaliland waa qabiilo, arrintaas qabiilku waa sal, hadday Somaliland burburtana ama yoolkay leedahay gaadhi weydo waxa ugu weyn ee ay ku burburi doontaa waa qabyaalad, wixii ina soo maray ee shalay ahaana waynu ognahay, dhibaatada ugu weyn ee imika Cabdiqaadir ka waramayayna waxay ka dhex dhacday beesha dhexe, haddana waa wax dhici kara, haddii bahasha la isku badh badhxo   anigaa rababa in xuduudka Somaliland la difaaco, laakiin inay noqoto anagaa ka tashanay iyo anagaa ciidamo u dirayna, maxaynu gambadho uga tagnay ee aynu u tagnay tuko raq oo aynu ku dooranay magac keliya iyadoo Somaliland loo arko inay iyadu dhul boob wado oo go’doon lagaga dhigay Somaliland siyaasad ahaan iyo diblomaasi ahaanba, dad baa dhulka leh oo yoocada gaadhaya.”

Isagoo ka hadlaya xisbiyada wuxuu yidhi  “Waxa la yidhi saddex xisbi ayaa jira, saddexdii xisbina reer bay ka soo jeedaan majooratigiina iyaga ah baa la yidhi. Turubkii lagu ciyaarayayba haddii la qaybsaday waxay dadka kale ugu soo dhiiranayaan waa dhibaato.”

Wuxuu Dr. Galaydh muujiyay sida uu uga warwarsanyahay in la fuliyo heshiiskii uu la galay Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo waxaanu yidhi  “Hadda waxaan halkan ku hayaa heshiiskii aanu la qoranay madaxweynihii hore ee weliba xisbiga KULMIYE ahaa, bal yaa qaabilsan heshiiskaas madaxweynuhu galay?  yaa loo raacayaa fulintiisii. Taayadu waabay yartahay ee shuruucda iyo distoorka lagu tunto yaa ka masuul ah, waxa laga ilaalinayo ee ugu weynina waa fulinta, anigu hadda hebel joogana ka hadli maayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here