Maamulka Jaamcadda Hargeysa Oo Dacwad Ku Oogaya Jaamacad Ay Sheegeen Inay Magacooda Qaadatay Oo Hargeysa Laga Furayo

0
544

Picture7Hargeysa(Geeska)-Maamulka jaamacadda Hargeysa ayaa dacwad ku oogaya maamulka jaamacad cusub oo la yidhaahdo Hargeisa  International university taas oo xayaysiiskeeda iyo magaceeda lagu soo dhejiyay baraha ay bulshadu ku kulanto, magaceedana laga taagay meelo ka mid ah caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa xalay Geeska Afrika u xaqiijiyay inay maxkamaduhu  maamulka sare ee jaamacadda Hargeysa ka guddoomeen  dacwad ka dhan ah jaamacadaas cusub ee Hargeisa International university, “Dacwadda waxa maxkamadaha u soo gudbiyay maamulka sare ee jaamacadda Hargeysa, maxkamaduhuna si rasmi ah ayay dacwadaas uga qabteen.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Si rasmi ah looma garanayo weli; maamulka jaamacadda cusub ee ay dacwaynayaan maamulka jaamacada Hargeysa. Hase yeeshee jaamacadan cusub ee Hargeisa Internarional university waxa maalmahan u dambeeyay xayaysiiskeeda lagu arkayay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho.