Hargeysa(Geeska)-Maamulka Cisbitaalka Neerfaha ee Hargeysa Neurology, ayaa Madaarka Magaaladda Hargeysa ku soo dhoweeyey Dhakhaatiir u dhalatay waddanka Maraykanka oo dalka soo gaadhay.
Dhakhaatiirtan oo ka soo degay Madaarka Magaaladda Hargeysa, ayaa dalka u yimid sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka uu asiibay Xanuunka dhimirka, waxaanay booqan doonaan inta ay dalka joogaan Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Qaybtiisa Dhimirka iyo meelo kale.
Mulkiilaha guud ee Cisbitaalka Neerfaha ee Hargeysa Neurology, Dr Ciise Kay doo Warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa, markii ay soo degeen dhakhaatiirtani, ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedada ay dhakhaatiirtani Dalka u yimaadeen iyo waxyaabaha ay qaban doonaan.
Dr.Xasan Maxamed oo ah Agaasimaha Cisbitaalka Neerfaha ee Hargeysa Neurology oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaa sharaf noo ah in aanu anaga iyo Maamulka Cisbitaalka Dhimrka ee Hargeysa ku soo dhoweyno, dhakhaatiir ka socota waddanka Maraykanka, gaar ahaan Jaamacadda Hadfor ee waddankaasi, waxaana hogaaminayo Dr.Handerson, waxaana aad ugu mahad naqayaa dhakhaatiirtan oo ay markii ugu horraysay u tahay ee ay dhakhaatiirtani dalka yimaadaan, waxaanan aad ugu mahad naqayaa xidhiidhka ay noo sameeyeen Cisbitaalka Hargeysa iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, kaas oo isaguna hawl fududayn badan noo sameeyey sidii ay dhakhaatiirtani dalka u soo gaadhi lahaayeen,waxaanan aad ugu mahad naqayaa dhakhaatiirtan oo ah dhakhaatiir ku takhasusay cuduradda Neerfaha”
Mulkiilaha Cisbitaalka Neerfaha ee Hargeysa Neurolagy Dr.Ciise Kay doo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Dhakhaatiirtani waxa ay waddanka joogayaan Muddo 4-cisho ah, waxaananu qiimayn doonnaa xaaladda dadka xanuunka dhimirka qaba, anaga oo la kaashan donna meelaha ay khusayso, waxaanay tababar siin doonaan dhakhaatiirta kale ee Cisbitaalada dhimirka joogga, waxaanay booqan doonaan Cisbitaalka Guud ee Hargeysa qaybtiisa dhimirka iyo goobaha kale ee lagu daryeelo dadka dhimirka wax ka qaba”