Maamulaha Madaarka Cigaal Oo Wasiir Cali Marreexaan Ku Eedeeyey Farogelinta Wasaaradaha Kale

0
874

Hargeysa(Geeska)-Maamulaha guud ee madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaacil, ayaa wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ku dhaliilay farogalinta wasaarado tiro badan oo shaqo ahaan ay kala madaxbanaan yihiin.

Waxa uu maamulahu ka hadlay dhacdada gabadhii laga reebay diyaarada Fly Dubai taas oo wasiir Cali Mareexaan uu ku sheegay inay diyaaradaas kala kulantay tacadi, halka agaasimuhu uu meesha ka saaray in wax dhibaato ah loo gaystay haweenayda oo iyadu diiday inay fadhiisato kursigii ay ku qornayd.

Maamulaha guud ee madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaacil oo arintan ka hadlaayay waxa uu yidhi "Nasiib daro in wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryayntu uu arintaas dadka reer Somaliland iyo cid kasta oo isticmaasha baraha bulshadana uu si qaldan u tusay oo uu ka dhigay qof muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo haayadaha iyo diyaaradaha ajaanibka ah ee dalka ka shaqaynayaa ay ku tacadiyayaan, naga ayaa ka masuul ah dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland ee diyaaradaha raacaya kana soo dagaaya,diyaarada dalka imanaysa ee ogolaanshaha ay Somaliland iyo wasaaradu siisayna amnigeeda,badbaadadeeda iyo badqabkeeda labadaba anagaa ka masuul ah."

Maamuluhu waxa uu meesha ka saaray in shacbigu madaarka Hargeysa ay tacadi kala kulmaan"waxaanu halkan ka cadaynaynaa muwaadin reer Somaliland ah oo halkan lagu dhibo oo lagu tacadiyo  oo ajaanibku uu ku dhibaa in aanay jirin,wasiirku hadii uu ka baxaayo oo muwaadinimo iyo damqasho ay ku jirto waxa uu kaga dhoofay iyada oo garoonka joogta, aniga ayaa tigidhka u jaray oo anaga ayaa dirnay qofkii ay arintu ku dhacdayna waa la waydiin doonaa. Waxaan arkaayay wasiir Cali Mareexaan oo leh diyaarad dawooyin ah ayaan Berbera keenay waa markii kabaad ee uu farogaliyo wasaarad iyo shaqo aanu lahayn, waxaanu leenahay Cali arintaasi ma ka aqoondaraa, ma ka badheedhbaa, ma ka jaahilnimaa dadweynaha reer Somaliland ayaa wasaarada hawlaha guud shaqada ay qabato iyaga ayaa marag noo ah oo noo kala furaaya, halka madaarku gaadhay ee wasaarada duulistu gaadhsiisay."

Ugu danbayntii waxa uu maamulaha madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf "arintaas waa la siyaasadeeyay  waa la majarahabaabiyay si aan sidii ahayna mujtamaca reer Somaliland ayaa loogu turjumay, waxaanu leenahay dadka sida qaldan wax Facebook-yada ugu soo qoraayay hubsiimo halbaa la siistaa, intaydaan ka degdegin oo intaydaan Cali Mareexaan la barooran aad masuuliyiinta wax waydiisaan ayay ahayd."