Maalinta Saxaafadda Somaliland Oo La Xusay

0
567

Picture2Hargeysa(Geeska)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, ayaa goboladda Somaliland ku qabtay Xuska Maalinta Xoriyatul Qawlka Saxaafadda Somaliland oo loogu magac daray Aabihii Xoriyadda Saxaafadda qaranka Somaliland Marxun Suxufi Marxuum Maxamuud Cabdi Shidde.

Xafladan  oo aheyd mid balaadhan looguna talo galay debaal dega Xuska Maalinta Xoriyul Qawlka  Saxaafadda Somaliland, sannad kastana la qabto 9-ka Bisha November, ayaa loogu  magac daray Marxun Suxufi Marxuum Maxamuud Cabdi Shidde oo ahaa aasaasihii warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, waxaana Xafladda lagu qabtay magaaladda Hargeysa iyada oo ay munaasibadaasina soo qaban qaabiyeen iskuna soo duba rideen ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka Warfaafhinta,Guddoomiyaha ururka Solja, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Masuuliyiin ka kala socotay Labadda Xisbi Mucaarid UCID iyo Waddani , Xildhibaano, qaar ka mid ah Shirkaddaha waa weyn ee Ganacsiga, Masuuliyiinta Hay’addaha Warbaahinta, dhalinyarta  Suxufiyiinta ee Hargeysa ka hawlgala, qaar ka mid ah Hogaamadii ururka Solja xilalka hore uga soo qabtay iyo marti sharaf kale oo tiro badan, oo dhamaan hadalo kala duwan oo maalinta Saxaafadda Somaliland iyo Xoriyatul qawlka la xidhiidha madasha ka jeediyey.   Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (XUUTO) oo ugu horeyn munaasibadda Xuska maalinta Xafaadda Somaliland ee Hargeysa iyo goboladda Somaliland laga xusay hadal ka jeediyey waxa uu yidhi “Marxuun Suxufi Maxamuud Cabdi Shidde in lagu xuso oo loogu magac daro SOLJA ahaan go’aanka ugu horeeyey ayaa qaatay xeerkii SOLJA-na lagu ansixiyey sidaasi ayaanay u noqotay maalintan 9-ka bisha Noverber inay ahaato maalin ku suntan Maxamuud Cabdi Shidde oo Saxaafadda Somaliland yeelato , isaga marxuunku runtii qeyb Libaax leh ka qaatay isaga oo kaalintiisana ka soo qaatay heerka ay maanta Saxaafaddeena casriga ahi taagan tahay , waxaan Illaahay uga baryayaa aniga oo dhamaan Afka Saxaafadda Somaliland ku hadlay iyo ka ururka Solja-ba in uu Naxariistii Janno ka waraabiyo isaga iyo intii kale ee warbaahinteena Somaliland ka baxdayba in uu ALLE u naxariisto

Maxamuud Cabdi Jaamac (XUUTO) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Runtii Saxaafadda Somaliland tiirweyn ayey u tahay qaranka oo maxamuud iyo intii la midka aheyd ayaa Ileyska u soo shiday oo waxaynu odhan kara waxay ahaayeen kuwii qoxdaxaha ka gura ragaasi heerka ay warbaahinteenu maanta taagan tahay , inta ka dib waxa hogaanka Solja soo maray intaan ka xasuus nahay Afar hogaan oo hore oo waxaan nahay anagu Hogaankii 5aad , runtii ururka Solja waa Ileyska ilaa hada u baxaaya , waxaanu wax badan runtii ka soo qabtay horumarka iyo waxa u qabsoomay Saxaafadda Somaliland uu ka soo qabtay iyada oo Solja in badan soo dhisay aqoonta gaar ahaan dhinaca tababaro ay u sameeyeen Xirfadlayaasha Suxufiyiinta Somaliland , iyada oo ay maanta Xafladan ka muuqdaan Guddoomiyihii ugu horeeyey ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Faysal Cali Sheekh , Mustafe Shiine oo isaguna mar guddoomiye ku xigeen Faysal u ahaa guddoomiyena ka soo noqday ururka Solja, Xasan Maxamed Yuusuf oo isagu ahaa hogaankii aanu bedelay runtii oo dhamaantood wax badan soo qabtay ragaasi aan sheegay aadna dhamaantood waan ugu mahadnaqayaa heerarka ay soo kala gaadhsiiyeen Solja”  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyey waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo marti qaadka Xafladan ii fidiyey , anigu Kelmad kooban ayaan odhan doono aniga oo ku hadlaya Afka garsoorka Somaliland , waxaynu ogsoo nahay Xoriyatul Qawlku in uu yahay Hawlbawlaha Jiritaanka umaddeed , waayo hadii la waayo in si xor ah loo hadlo oo la cabsado wax kale oo ka dambeeya oo jirayaa ma jiraan oo waa la ma huraan inay umaddi jirto oo had iyo jeer khalkhaldu inay dhacaan waxay ka bilaabmadaan , marka la waayo inay dadku six or ah wax isugu sheegaan isku dhaliilaan is hogol tusaaleeyaan , Dastuurkeena Jamhuuriyadda Somaliland-na Jabtarka Xuquuqaha Aasaasiga ah , Xuquuqda Saxaafaddu halkaasi ayey soo geleysaa oo Saxaafadda shaqadeedu waxa weeye inay gudbiso Xaqiiqadda iyo dhacdooyinka bulshadda dhexdeeda iyo inay faaladda dadka u faahfaahiyaan iyo inay xaqiiqada sideeda u gudbiyaan oo hadii ay cid jecel yihiin ama la socdaan inay faaladda ku dhafaan , marka dadku iyaga ayaa kala ogaanaya iyo dhacdadu xagay u socoto oo waxay ogaanayaan dadkii masuuliyadda iyo xilka ay ku aamineen sida ay u shaqeynayaan oo waxay ogaanayaan waddanka horumarkiisa iyo dib u dhaciisa oo waxay ogaanayaan xaqaaqi dalka ka jira oo faaladda Sax ama qalad kay tahay waa in dalka loo dhaafo” Garsoore Aadan Xaaji Cali Axmed  oo arrimaha Xoriyatul Qawlka iyo qorshe Cusub oo ay warbaahinta kula dhaqmayaan ka hadlaayey waxa uu yidhi “Taasi marka waa sida dastuurkeenu sheegaayo inay laga ma maarmaan tahay Halganadii ilaa wakhtigii  Isticimaarka hadii aynu nahay umadda reer Somaliland aynu Isticimaarkeeda iska Celinaynay halgano badan ayeynu galay oo ilaa xiliyadii ka dambeeyey ,halganadda aynu galay dhamaantood waxa aasaas u ahaa waa Xoriytul xawl iyo in uu qofku si sax ah u sheegi karo oo uu wax naqdin karo oo uu noolaan karo oo lays dhaliili karo waa taas weeye , xaga garsoorka markaan u soo noqdo garsoorka ama anigu aan hogaamiyo ama qeyb ahaan gebigiisaba wax waajibkoodii ka baxsan meysameyn , waayo waajibka saara waxa laga filaayey inay cadaalad sameeyaan iyo inay dadka u adeegaan labadaasi ayaa laga rabay aniguna labadii ayaanu sameyn sida madax badan oo hay’ado qaranka ka socdaaba ay u sameeyaan , haday yihiin xeer dejinta haday yihiin fulinta  iyo haday yihiin madaxda kale ee hay’addaha kala duwan ka shaqeeyaba  labadii na laga filayey ayuumbaanu sameynay , marka qorshaha cusub ee aanu qaadanay oo dambigu waligii laba mid ayuu ahaan jiray oo midi wuxu ahaa qofku nooco doono ha noqde madaxda ugu sareeya ama qof raydi ah ku doonaba ha noqdee hadii isaga oo dambi faraha kula jira la qabto faafhaafin badan uma baahna oo sharcigu gacanta ayuu ku dhigay , Saxaafadda oo kale hadaan tusaale u soo qaato hadii Joornaal aan Sharciyeysneyn oo aan Laysan haysan aad soo saarto waa sharci daro oo hadaad Alaab qof tuug ahi xaday iyaduna waa sharci daro oo isaga oo gacanta kula jira dabigaasi , taasi waxa weeye qofka waa la qabta marka dambena sharciga ayaa loo eega , laakiin Qorshaha  cusub ee aanu qaadanay waxa weeye Saxaafaddu maadama shayga ugu badan ee ay sameysa tahay dhibaato ay soo gaadhsiiso dadka tahay oo saddex nooc ugu badan waxyaabo badan oo kalena iyaga o sameeya hadana in dacwadooda iyaga oo aan la xidhi ay socoto ayaanu isla qaadanay imika”

 Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaricda ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isna halka ka hadlay munaasibadda Xuska ASaxafadda Somaliland waxa uu yidhi “Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan Warbaahinta  Somaliland oo aynu maanta Munaasibadda Xuskooda ka soo qeybgalay iyo  mucaarid iyo muxaafidba madaxda madasha ka soo qaybgashay, inta ka dib ,wax badan odhan maayo eel aba Kelmadood ayuumbaan odhanayaa kuwaasi oo kala khuseeya Xuska maanta ee Marxuun Maxamuud Cabdi Shidde iyo Saxaafadda Somaliland , waxa weeye Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu ahaa Aabihii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland ,laakiin waxa weeye maanta Saxaafadda aniga oo filaaya in aanu halkan Wasiir Cukuse joogin hadana waxaan filayaa in uu Maareeyihii Talafeeshinka dawladdu joogo, waxaan u maleynayaa in Guddoomiyihii Maxkamadda Sarrena in uu halkan fadhiye in aanu  hadaani nahay Xisbiyada Mucaaridka ah  aanu maalin dhaw Dacwad Maxkamadda ka geyn doono Talafeeshinka dawladda Somaliland , waxa weeye Tv-ga qaranku dadku wuu u siman yahay in uu u sinaadana weeye oo hadii dadka Somaliland u sinaan waayo oo anaguna xaqii aanu ku laheyn aanu ka weyno oo waxa weeye waxay noqoneysa in aanu anaguna dacwad ka geyno maxkamadda hadaanu nahay Xisbiyadda Mucaaridka ah”  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ugu dambeyntii hadal ka jeediyey Munaasibadda Xuska Saxaafadda Somaliland ee shalay hargeysa laga xusay waxa uu yidhi “Marka hore waxaan jeclahay in aan Hambalyeeyo SOLJAA iyo dhamaan Saxaafadda Somaliland meel kasta oo ay joogaanba oo aan ku hambalyeeyo 9-ka November waxa kale oo u duceynaynaa ragii  Aasaasay ama dhidibka u taagay Saxaafadda Somaliland oo uu ka mid yihiin Halyeyga Maxamed Cabdi Shidde iyo ragii halkan laga tiriyeyba ee Geeriyoodayba iyagana halkan waxaanu uga baryeynaa ALLE in uu u naxariisto ,Saxaafadda Somaliland-na eray qudha ayuumbaan odhanayaayo ah in la ilaaliyo madaxbanaanideeda waa waajib iyo inaya iyaguna inay ilaaliyaan anshaxa wararka ay qorayaan iyagana waa ku waajib oo duruufo badan ayey ku jiraan Saxaafadda Somaliland , waxaanan u rajeynaynaa inay duruufahaasi u adkeystaan oo runtii waxaan isleeyahay waxyaabaha ay Beesha Caalamku astaanta uga dhigto Somaliland waxa ka mid ah Xoriyadda Saxaafadda ka jirta Somaliland oo dhibaatooyin ayaa soo gaadha Saxaafadda oo ay ugu dameysay wariyihii lagu dilay Burco , waxaanu jecelahay dhaqanka cid kasta oo faraha ku jirta inay faraha kala baxdo oo Saxaafiyiintuna ay iyaguna ilaaliyaan Anshaxa, waxaan ku taageerayaa cidii halkan ka soo jeedisay in Wargeyskii Haatuf xoriyadiisii loo soo celiyo , waayo waxay aheyd magacyadda ugu waa weyn Saxaafadda Somaliland oo dadku way tebayaan Saxaafadda Somaliland oo hadii dambi lagu haystana waxay aheyd in dambigii lagu qaado lagu haysto ileen mudo dheer ayey (wakhtigii la xidhaye) aheyde waa in Xoriyaddoodii loo soo celiyo waliba Hay’adda lafteedii loo soo celiyo xoriyaddii , waayo Haatuf qof ma aheyne Hay’ad warbaahineed ayuu ahaaye waa in loo soo celiyo xoriyadiisii , ayaanu ugu baaqaynaa”

Sidoo kale waxaa isna talo taas la mid ah xukuumada u soo jeediyey Gudoomiyaha SONSA Mustafe Sacad Dhinbiil oo ku baaqay in xayiraada laga qaado wargeyska Haatuf oo mudo xidhan.

Waxa iyaguna Munaasibada hadalo kala duwan ka jeediyey Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Agaasimaha Wasaaradda Boosta iyo Isgaaadhsiinta Somaliland ahna guddoomiyihii ugu horeeyey ee ururka Solja Faysal Cali Sheekh,  Badhsaabka Gobolka Gabiley ahna gudoomiyihii 2-aad ee ururka Solja Mustafe Shiine, Masuul Koomishanka Doorashooyinka Afkooda ku hadlayey, Wasiirkii hore ee Gacansiga Somaliland, Masuul ka codsaday Shirkadda Caymiska ee takaaful, Xubno ku hadlayey afka Warbaahinta iyo masuuliyin kale oo tiro badan, kuwaas oo dhamaantood Saxaafadda Somaliland uga jeediyey hadalo Hambalyo maalinta 9-ka November ee Xuska Saxaafadda Somaliland la xidhiidha iyo talooyin ay warbaahinta u soo jeediyeen inay warar bulshadda manfac iyo faa’iido u leh ka shaqeeyaan kana dheeraadan dhinac la safasho iyo kala fogeynta ama kala geynta  umadda Somaliland.