Maalinta Caruurta Afrika Oo Si Weyn Looga Xusay Hargeysa

0
644

Picture3Hargeysa(Geeska) – Munaasibada xuska Maalinta Caruurta Afrika oo Sanad walba si weyn looga xuso Shalay oo kale, ayaa si weyn looga xusay Somaliland, gaar ahaan Caasimadda,  Xuska Maalinta Afrika oo si weyn shalay looga xusay Xarunta Agoomaha ayaa waxa ka soo qeyb galay Marwadda kowaad ee qaranka maro Aamina waris Sheekh Maxamud Jirde Iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Agaasimaha Xarunta Hooyga Agoomaha ee magaladda Hargeysa marwo Caasha Maxamud Qaalib, Martisharaf iyo Caruur aad u badan.  Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee Magaladda Hargeysa Marwo Caasha Maxamud Qaalib oo iyadu ugu horeyn halkaas ka hadashay ayaa u mahadnaqday Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina waris iyada oo uga mahadnaqday sida wanaagsan ee ay ugala soo qeyb gashay Xuska iyo doorka ay ka qaadato caawinta Xarunta Agoomaha, waxa kale oo ay ka warantay qiimaha ay leedahay Maalinta Xuska Caruurta Afrika, gaar ahaan Caruurta reer Somaliland.  Wasiir ku xigeenka Wasaradda Shaqadda iyo arimaha bulshadda Marwo Shukri Xariir Ismaa’iil, oo iyana halkaas ka hadashay ayaa ka war bixisay qiimaha ayl eedahay Xuska Maalinta Carruurta Afrika iyo kaalinta Somalilnd ay ka qadanayso iyo doorka ay mar walba Wasaaraddoodu u leedahay Bulshada iyo Caruurtaba. Waxa kale oo munasibaddasi ka hadalay wasiiradda Wasaradda Waxbarashadda.Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Wasiirka Wasaradda Maliyadda.Iyo Mess alinda oo ku hadalasay afka hay’adaha. Wasiirka wasaradda Maaliyadda Cabdi Casiis Maxamed Samaale Oo Halkaasi ka hadalay ayaa yidhi “Hoyga agoomaha waxaan ugu darayaa miisaaniyadda bajad,Rasuulku N N k H, Waxa uu ku soo koray Agoonimo Rajanimo waxanu xadiis sxeexa ku yidhi ninkii agoon ugargaara aniga iyo isagu waxanu malainta giyaame soo baxaynaa anagoo laba isku ah, Cidkasta oo arimaha sama falka ka qayb qaadatana way ka khayr badantahay kuwa kale” Marwadda koowad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamud Jirde ayaa munasibaddasi soo afmeertay waxanay tidhi”Carruurta Somaliland Meelkasta oo ay Jogaan waxaan u tirayaa hambalyo caruurey isku kalsoonadda anagaa idiin joogna wadankiinana wax ubarata waxaad tihiin mustaqbalkii barito”