“Maaha Inay Xukuumadu Runta Diido Oo Cidda Xaaladda Runta Ka Sheegtana Xadhig Loo Miciinsado”

0
574

Picture4Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa ka hadlay xadhig ay habeen hore Xukuumaddu kula kacday Suldaan Mawliid Sabayse, oo ay Xukuumaddu ku eedaysay inuu waday abaabul iyo kicin dhan ka ah Bulshada, waxaanu Suldaan Xasan tilmaamay in xadhigaasi ahaa mid meel ka dhac ah oo aanu gayin Suldaan Mawliid.

Suldaanka guud  oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Anaga oo shirayna, ayaa Ciidan uu kor kacayo Taliye ku xigeenka Boolisku noo yimadeen, fajac iyo yaab ayaa nagu dhacay, kadibna waxa ay xidheen Suldaan Mawliid Sabayse, oo ka mid ah Salaadiinta dalka, Suldaanka wey awoodeen in haddii ay wax ku haystaan inay si sharaf leh ugu yeedhaan, balse waxa khalad iyo meel ka dhac in goor habeenimo ah inta Ciidan la soo kaxaysto in la xidho, iyada oo runtii lagu haysto hadaladii uu ka yidhi bixinta Haamaha iyo Golaha Wakiilada, maaha  Xukuumaddu inay runta diido, oo cidii xaqiiqda sheegtana xadhig la miciinsato.”

Geesta kale, wasiir xigeenka amniga ayaa Suldaan Mawliid ku eedeeyay inuu waday kicin dadweyne, iyadoo la ogyahay in suldaanku dhaliilay oo keliya qaabka ay xukuumadu u doonayso inay ku wareejiso haamaha shidaalka Berbera.