Dalkii la odhan jiray Somalia, markuu ka qaatay Talyaanigii xornimadiisii, kawdii July 1960kii, ka hor intaanu dhicin midawgii Somalia iyo Somaliland, ayuu Aadan Cabdulle Cismaan, oo Madaxweyne Kumeelgaadha ahaa, u qoray Qaramada Midoobay codsi uu ku doonayay in lagu ogolaado, keliya, xubinimada Somalia. Ogow sidii uu dhigayay heshiiskii Somaliland iyo Somalia, hadduu jirayba, waxay ahayd in laga guuro labadii magac ee Somaliland iyo Somalia. Oo loo guuro magacii muujinayay Somali Weyn tilmaamayay ee ahaa Jamhuuriyadda Somaliyeed.
Isla kowdii July 1960kii, qoraal ay si wada jir ah, ay u soo saareen seddex xubnood oo markaas ka tirsanaa Golaha Ammaanka, oo kala ahaa Talyaaniga, Tuunisia Iyo Ingiriiska, ayaa ku talinaya in Jamhuuriyadda Somalia loo ogolaado xubin ka mida Qaramada Midoobay.
Ka dib Golaha Ammaanka ayaa Fadhigiisii 871-aad, ee qabsoomay 5tii July 1960kii ku oggolaanaya in Jamhuuriyadda Somalia ka mid noqota Qaramada Midoobay. Madaxweynahii Golaha Ammaanka oo markaas ahaa Ergeyga Ekwadoor, Jose Correa, ayaa warqad u soo qoraya Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Daag Hamarshold (Hammarskjold). Si uu taladaas u hor-dhigo Golaha Guud ee Qaramada midoobay (General Assembly).
20kii Bishii September 1960kii, Fadhigii Qaramada Midoobay ee loo dhammaa, ee tirsigiisu ahaa 864-aad, ayaa lagu ansixiyay xubinnimada in ka badan lix Dawladood oo ay ka mid ahayd Jamhuuriyadda Somalia.
Warqaddii uu qoray Aadan Cabdulle Cismaan, ayuun baa rasmi noqotay. Wax ka soo qaad may lahayn Somaliweyn ama Jamhuuriyadii Somaliyeed … sidoo kale tii Siyaad Barre ee ahayd Jamhuuriyadda Dimuraadiga Somaliyeed. Somaliland way diidy xornmadeedii … Ilaa maanta oo ay la soo noqotay Aayo Ka Talinteedii 27 sano ka hor, ayaanay ka codsan Qaramada Midoobay inay xubin ka noqoto. Markaas ma riwaayad baa wadahadallada Somalia iyo Somaliland? Sawirka hoose ka daalaco qoraalkii Aadan Cabdulle Cismaan oo aan soo tarjumay.
Maxamed Cabdi Daauud