Loolan Ku Salaysan Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE Oo U Bilaabmay Muuse Biixi & Cabdicasiis Samaale Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
657

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Loolan adag oo u dhexeeya madaxda sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay si weyn looga dareemay magaalada Hargeysa, kaas oo salka ku haya guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

 

Loolankan oo hordhac u ah shirweynaha xisbiga KULMIYE oo qabsoomi doona bisha March ee soo socota, waxa uu u dhexeeyaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale. Guddoomiye Muuse Biixi oo taageero u raadsanaya inaan lagula tartamin jagada guddoomiyaha xisbiga, ayaa hadhimo sharafeed u sameeyay cuqaal, odayaal, dhallinyaro iyo aqoonyahano ka soo jeeda Beesha Xuseen Abokor oo ka tirsan Beelaha Sacad Muuse, waxaana la sheegay in ujeedada qadadaasi ahayd sidii ay uga hawlgeli lahaayeen taageero u raadinta Muuse Biixi Cabdi, iyagoo marka hore taageero raadintooda ka bilaabi doona gudahooda.

Hase yeeshe Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna maanta hadhimo sharafeed u samaynaya odayaal, wax garad iyo aqoonyaho ka soo jeeda guud ahaan Beesha Sacad Muuse oo ay isaga iyo Muuse Biixiba dhalasho ahaan ka soo jeedaan. Hadhimadan oo jawaab u ah qadadii uu Muuse Biixi khamiistii sameeyay, waxa la filayaa in Wasiir Samaale martida uu marti qaadayo u soo bandhigo in lagu taageero hamigiisa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo la filayo inuu kula baratamo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo isagu wakhtigan xilkaas haya.

Labadan masuul ayaa u muuqda inay baratankooda ka soo bilaabayaan gudaha Beesha ay ka soo wada jeedaan, taas oo hadba ninka ku taageero bataa uu noqon doono nin beelaha kalena cod u doonta.

Hase yeeshe waxa ay dad badani u dheg taagayaan ninka ay taageerada Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo la jirto, kaas oo noqon doona ninka ay guushu raaci doonto, maadaama oo uu xisbigu yahay xisbi dawladeed oo ay xukuumadu saamayn culus ku leedahay.

Loolankan ayaa marka uu soo dhammaado ee lagu kala guulaysto, waxa la aaminsanyahay inuu tafaraaruq ku keeni doono gudaha xisbiga KULMIYE, oo shirarkoodii Burco iyo Hargeysaba ay garabyo culusi ka go’een, kuwaas oo sababeen khilaafyadii xisbiga gudihiisa.