Labada Xisbi Mucaarad Oo Shalay Madaxweyne Siilaanyo Shalay U Gudbiyay Baaq Wada Jir Ah

0
439

Picture5Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u gudbiyay baaq ay kaga hadlayaan fulinta heshiiskii ay wada gaadheen xisbiyada iyo xukuumadu ee ku saabsanaa qabashada doorashooyinka.

Baaqan oo ay xisbiyadu shalay Madaxweynaha u gudbiyeen oo nuqul ka mid ah uu Geeska Afrika helay ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa khatar iyo dib-u-dhac ku ah rabitaanka madaxweynaha,  iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan  oo ah in aan doorasho dalka ka dhicin. Sidaa darteed, waxay labada Xisbi-mucaarid mawqif midaysan ka qaateen heshiisyadda ma-dhalayska ah ee    xukuumaddu  saxeexdo.

haddaba waxaa  5tii, bishan Juulay 2015ka kulan ay labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI ku yeesheen Hotel Ambassador oo ay goob-joog ahaayeen labada Gudoomiye ee labada Xisbi Mudane Feysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) kagan doodeen arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo bulshada ee Somaliland, gaar ahaan heshiiskii ay wada-galeen xukuumadda  iyo saddexda xisbi qaran 27kii May 2015ka; ee welina laga sugayo xafiiska madaxweynaha.

waxay go,aan ku gadheen

Ø Iyaga oo tix-geliyey amniga qaranka, dhawrayana karaamadda ummadda

Ø Iyaga  oo tix-geliyey deggenaashaha iyo xasilloonida Dalka,

Ø Iyaga oo tix-geliyey bisha Ramadaan ee lagu jiro,

Ø Iyaga oo tix-geliyey muddada dheer ee laga sugayey xukuumadda in ay fuliso heshiiska,

Innay  baaq kama danbaysa u dirayaan Madaxweynaha :

1. In Madaxweynuhu fuliyo heshiiska saddexda xisbiga  iyo xukuumadda  ee lagu wada galay madaxtooyadda 27kii May 2015ka.

2. In Madaxweynuhu isaga oo xurmeynaya heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda, tixgelinayana danta qaranka in uu digreeto ku soo saaro heshiiskii lawadda galay, ka hor 20/7/2015ka,      

3. In haddi aannu madaxweynuhu fullin heshiiska soona saarin Degreeto heshiiskii la wada galay inay isbahaysiga mucaaridku  isugu iman doonaan talo dalka lagu badbaadinayo Qaranimada Somaliland  21-26 July 2015ka.”