Labada Shirguddoon Oo Kulan Ka Yeeshay Shirka Deg-dega Ah Ee Uu Madaxweynuhu Ka Dalbaday

0
540

Hargeysa (Geeska)-Shir Guddoonka Golayaasha Sharci dejinta ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa shalay shir albaabadu u xidhanaayeen oo muddo qaatay ka yeeshay warqada codsiga ah ee uu Madaxweynuhu u soo gudbiyey oo uu kaga dalbanayo Shir deg deg ah oo Labada Gole uu iskugu yeedhay.

1

Shirkani markii uu dhammaaday ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay ajandaha ku qoran codsiga Madaxweynaha waxaanu tilmaamay in ajandaha warqada loo soo gudbiyey in ilaa hadda aanay caddeyn, oo ay ku kooban tahay oo qudha arimaha nabadgalyada,

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo aanu ugu horeyn weydiinay in shirkan uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay labada Gole ay ku saabsan tahay arinta Saladhiga Milatari ee Imaraadka ayaa yidhi “Wey jirta codsi ka yimid Madaxweynaha, oo uu iskugu yeedhay labada Gole, oo uu codsanayo in la iskugu yeedho labada Gole, laakiin wax ku qoran oo ajando ahi Saldhigna kuma qorna wax kalena kuma qorna, arimo nabadgalyo in laga hadlayo ayaa ku qoran, marka ajandaha aanu ogaano ayaanu ka warami karaynaa”.

Dhinaca kale mar aanu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), weydiinay sida uu u arko Saldhiga Milatari ee ay doonayso inay Xukuumaddu Imaraadka ka siiso Berbera, ayaa si kooban u yidhi “Xisbi ahaan mawqif ayaanu ka soo saari doonaa maanta (shalay), arinkaa haddii ALLE yidhaah”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna warbaahintu wax ka weydiisay waxa warqada codsiga ah ee uu Madaxweynuhu labada Gole kaga dalbanayo inay iskugu yimadaan Shir deg deg ah ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu xaq u lahayn inuu isagu yeedho labada Gole, qasabna tahay inay iskugu yimadaan Shirka deg dega ah ee uu ka dalbaday, waxaanu yidhi “Xafiiska wey taala bay ila tahay, shalay waan maqnaa ee isha allaah waan arki doonaa, xaq buu u leeyahay haddii uu wax u baahdo, wuxuu qaranka u sheego, waa qasab haddii uu Madaxweynuhu codsado labada Gole”.