Laba Xildhibaan Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Tuulada Libaaxaley

0
532

Picture3

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada xildhibaan Siciid Warsame Gaane iyo Ku Xigeenkiisa Xildhibaan Maxamed Baaruud ayay dhaawacyo fududi ka soo gaadheen ka dib markii uu gaadhi kula dhacay Tuulada Libaaxley oo ku taala Gobolka Togdheer. Sida uu Geeska Afrika u sheegay Cali Jibriil Xirsi oo waftigaasi ka mid ahi dhaawaca labada xildhibaan ayaa loo soo qaaday Cusbitaal ku yaala Magaaladda Burco, halkaas oo lagu dabiibayo. Dhaawacooda ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud. Waftigan oo uu hor kacayay guddoomiyaha Gudida Khayraadka dabiiciga ah ee aqalka wakiilada Somaliland ayaa waxa ay dulucdeedu ahayd sidii ay ugu soo kuur geli lahaayeen mashaariic kala duwan oo ka socota deegaanadaas.