Laba Wasiir Oo Xilkoodii Ku Waayey Qiso Jacayl Oo Dhex Martay Iyo Guurkooda Oo Muran Siyaasiya Dhaliyey

0
640

Picture2Rabat (Geeska)- Laba wasiir oo ka wada tirsanaa xukuumadda dalka Marooko ayaa ku dhawaaqay in xidhiidh jacayl oo dhex maray kadib ay is guursanayaan, laakiin guurkoodaas oo uu ka horreeyey jacayl xantiisu muddo dibadda taallay ayaa sabab u noqday in laga caydhiyo xilalkii wasiirnimo ee ay ka hayeen xukuumadda dalka Marooko.

Raysalwasaaraha dalka Marooko Cabdililaah Bin-Kiiraan ayaa si rasmi ah golihiisa xukuumadda uga saaray Xabiib Shuwbaani oo ahaa wasiirka xidhiidhka baarlamanka iyo bulshada rayidka ah iyo Sumaya Bin Khalduun oo ahayd wasiirka tacliinta sare iyo cilmi baadhista, kadib markii ay labadan masuul ka dhabeeyeen guux muddo jiray oo sheegayey in haasaawe damac guur wadaa uu dhex maray. Labadan wasiir waxa ay warqaddooda iscasilaadda ee lagu qasbay dhiibeen markii guurkoodu uu cadho siyaasi ah dalkaas ka dhaliyey, gaar ahaan haweenka dalka Marooko  oo guurka gabadh wasiiradda ah iyo wasiirkan ku tilmaamay in uu xaqiraad ku yahay haweenka dalkooda, maadaama oo wasiirku uu xaas hore lahaa oo ay wasiiraddu noqonaysay xaaskiisa labaad, qadiyadda guurka badanina ay tahay arrin dood adagi ka taagan tahay dalka Marooko.

Warku waxa uu sheegayaa in raysalwasaare Cabdililaah oo ka soo jeeda xisbiga Islaamiga ah ee Cadaaladda iyo horumarinta ay culays badan iyo naqdi ku keentay qisada jacayl iyo guurka labadan masuul, sidaa awgeed uu ka dalbatay in ay is-casilaan isaga oo isla markaana boqorka dalka ka codsaday in uu aqbalo is-casilaadda labada wasiir ee muranka siyaasiga ah ka dhaliyey boqortooyada Marooko.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Ilaaf waxa uu intaas ku daray in jacaylka Xabiib iyo Sumaya uu xukuumadda ku keenay culays badan kadib markii ay mucaaradka ka soo horjeedaa ka dhigteen hub ay xisbiga talada haya ku gaadhsiiyeen dhaawac dhinaca rayul-caamka ah.

Dalladda guud ee xuquuqda haweenka dalka Marooko ayaa tan iyo markii uu xidhiidhka labadan wasiir soo baxay waxa ay bilowday ol’ole adag oo ay xukuumadda ku naqdiyayaan xidhiidhka noocan ah iyaga oo ka eegaya dhinaca guurka xaasaska badan, maadaama oo ay u arkayeen in tallaabada labada wasiir ay jawaab u tahay dadaal ay muddo sannado badan ah soo wadeen oo ay xukuumadda kaga dalbanayeen in ay soo saarto xeer mamnuucaya in ninku uu hal mar wada qabi karo labada dumar ah iyo ka badan. Ururrada haweenka oo ol’ole adag ugu jira in xeerkani soo baxo ayaa marka horeba ka cabanayey in hoggaanka talada haya oo ka soo jeeda xisbi Islaami ahi uu arrintan hor taaganyahay, guurka labadan wasiir oo keliyina ma’ aha maragga ay dooddooda u hayaan, balse waxa ay marka horeba xukuumadda ku naqdiyayeen in wasiirka cadaaladda iyo xoriyaduhaha ee dalkaasi uu laba xaas leeyahay, sidoo kale wasiirkii hore ee horumarinta bulshada iyo arirmaha qoyska oo mar sii horreysay geeriyooday ayaa isaguna intii uu xilka hayey waxa uu qabay laba xaas, waxa aanay tani kooxahan u sawirtay qaab ay xukuumaddu ugu dirayso farriin dadban oo ay kaga soo horjeeddo dadaalka ay dumarka badan ragga kaga mamnuucayaan, gaar ahaan marka la eego wasiirradan xaasaska badan leh oo ahaa kuwa hayey wasaaradaha shaqadoodu la xidhiidha caddaaladda, xuquuqda iyo arrimaha bulshada.

Sharciga dalka Marooko ma diidayo in ninku uu dhowr xaas yeesho, laakiin muddo tobannaan sano ah, waxaa dalkaas ka socday dadaallo ay dumarku ku doonayaan in la soo saaro xeer ragga ka mamnuucaya in ay laba xaas iyo ka badan hal mar wada yeeshaan, si kastaba ha ahaato ee sannadkii 2004tii ayaa ay dadaalladan dumarku guul weyn gaadheen kadib markii dalkaasi uu soo saaray xeer ragga minyaro doonka ah shardi kaga dhigaya in xaaskooda minweynada ah ay ka soo fasax qaataan, haddii kale aanay gabadh labaad guursan karin, xeerkaas oo illaa hadda dhaqangal ah in kasta oo aanu sidii la rabay u shaqayn.