KULMIYE Oo Taageerayaal Ku soo Biiray Xaflad Ugu Qabtay Baligubadle

0
533

Picture2Hargeysa (Geeska)-Munaasibad aad u balaadhan oo ka dhacday Xarunta Gobolka Hawd ee Magaalada Baligubadle ayaa Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye waxa ku soo biiray Taageerayaal iyo Xildhibaano.

Taageerayaashan ku soo biiray Xisbiga Kulmiye ayaa waxa ay ka soo baxeen Waddani.

Munaasibada aad u balaadhan oo loo qabtay Taageerayaashan ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye, Xoghayaha xidhiidhka Xisbiga Kulmiye, Taageerayaasha ku soo biiray iyo dadweyne aad u tiro badan.

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Xisbiga Kulmiye Saalax Muxumed Idiris (Shiine), oo isagu Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in tan iyo markii XIsbiga Kulmiye  taladda dalka qabtay inuu wax badan qabtay, oo waxyaabihii uu balan qaaday wakhtigii uu Mucaaradka ahaa  in haddii uu ku guulaysto inuu si toos ah u fuliyey.

Qaar ka mid ah Taageerayaasha iyo Xildhibaanadii ku soo biiray ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ku soo biiraan Xisbiga Taladda dalka haya ee Kulmiye.

Dhinaca kale Wasiiraddii ka qeyb galay Munaasibadaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Bulshada Shugri Xariir oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumaddu wax badan u qabtay Bulshada reer Somaliland oo dhan, diyaarna u tahay inay wax u sii qabato, waxayna soo dhaweeyeen taageerayashaas ku soo biiray.

Dhanka kale Madaxdii Xisbiga Kulmiye,  oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, Xoghayaha guud ee Xisbigaas Xasan SIciid oo  iyana Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay Taageerayashani ku soo biiraan kana soo digo rogtaan XIsbiga Mucaaradka ah ee Waddani.