Kulan Soo Dhawayn Ah Oo Loo Sameeyay Gabadhii Uu Dhalay Mujaahid Maxamed Mooge

0
916

Hargeysa (Geeska)-Munaasibad soo dhaweeyn ah  ayaa loo sameeyey laguna maamusay Marwo  Yaasmiin Maxamed Mooge oo ah Inan  uu dhalay ALLE ha u naxariiste Fanaankii weynaa Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan.

12506769_963254680421329_1955019437_n

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay, oo lagu qabtay Hida-dhawr Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa iska kaashaday Mujaahid Cabdi  Yuusuf Ducaale (Boobe),  Shirkada daabada Sagal Jet iyo Hida-dhawr Hotel, waxaana Munaasibadaas ka soo qayb galay Marwo Yaasmiin Maxamed Mooge, Cabdikariim Axmed Mooge, Boobe Yuusuf Ducaale,Guddoomiyaha Shirkada Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar, Mulkiilaha Hida-dhawr Hotel Marwo Sahra Halgan, Fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Munaasibadan waxa lagu soo bandhigay filim uu soo ururiyey Mujaahid Booble Yuusuf Ducaale oo uu kaga hadlaayey maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray Maxamed Mooge, sida taariikh nololeedkiisa, halka uu ku dhashay, halka uu ku barbaaray, qoyskiisa; heerarkii kala duwanaa ee waxbarashadiisa  wakhtigii uu Macalinka ahaa, wakhtigii uu ku soo biiray Fanka, wakhtigii halganka, heesihii kala duwanaa ee uu qaaday iyo noloshiisii kale, waxaana sidoo kale filimkaas lagu soo bandhigay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo iyana ka hadlaya aqoontii ay u lahaayeen ALLE ha u naxariiste Maxamed Mooge iyo marxaladihii ay isla soo mareen, haddii ay noqoto heerkiisii fanka iyo haddii ay noqoto wakhtigiisi halganka

Boobe Yuusuf Ducaale ayaana ILLAAHAY uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo Maxamed Mooge Libaan iyo sidoo kale Mujaahidiintii kale ee geeriyootay.

Guddoomiyaha Shirkada Sagal Jet oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa  sheegay in Munaasibada soo dhaweeynta ee ay u sameeyeen Marwo Yaasmiin Maxamed Mooge ay si wada jir ah iskaga kaashadeen Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), Hida-dhawr Hotel iyo Shirkada Sagal Jet, waxaanu ALLE uga baryey Maxamed Mooge inuu u naxariisto, oo uu tilmaamay inuu ahaa qof dalka iyo dadkaba qaali ku ah isla markaana Inantiisu ay ka mudan tahay in si fiican loo soo dhaweeyo.

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Marwo Yaasmiin Maxamed Mooge ay mudan tahay in si weyn loo soo dhaweeyo, madaama oo  uu dhalay Maxamed Mooge, oo dalka taariikh fac weyn ku lahaa, waxaanu sheegay inay ka timid dalka Kenya, xaqna ugu leedahay soo dhaweeyn iyo maamus,

Cabdale Xaaji oo isagu ah qoraal  oo isna Munaasibadaas ka hadlay  ayaa u duceeyey Maxamed Mooge waxaanu ALLE uga baryey inuu u naxariisto.

Dhanka kale Marwo Yaasmiin Maxamed Mooge oo aanu wax ka weydiinay dareenkeeda iyo sida ayu aragto soo dhaweeyanta iyo qaabilaadan loo sameeyey ayaa sheegtay inay aad iyo  aad ugu farxsan tahay, uguna mahadnaqayso Boobe Yuusuf Ducaale, Hida Dhawr iyo Sagal Jet sida wanaagsan ee ay u qaabileen, waxayna ILLAAHAY uga bariday Aabaheed Maxamed Mooge Libaan inuu godka u nuuro jannada galiyo.

Munaasibadaas waxa lagu soo bandhigay heeso uu qaaday Maxamed Mooge oo ay ku luuqaynayeen Faniinta Karoone iyo Sahra Halgan, halka kuwo kalena  ay qaadeen hees uu curiyey Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo uu u tiriyey kuna amaanayo Maxamed Mooge Liibaan, waxa sidoo kale munaasibadaas hees ka qaaday Cabdinaasir Macalin Caydiid.