Kulan Muhiim Ah Oo Borama Uga Furmaya Madaxda Reer Awdal Ee Xilalka Haysa

0
477

Picture4Hargeysa(Geeska)-Masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka soo jeeda gobalka Awdal oo uu horkacayo madaxweyne-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa la filayaa inay dabayaaqada bishan magaalada Borama u tagaan shir xaasaasi ah.

Sida ay warar soo baxay sheegayaan dhammaan masuuliyiinta haya xilalka qaranka ee gobalka ka soo jeeda ayaa dhawaan ku qabsanaya shir magaalada Borama, kaas oo ay kaga hadlayaan dhibaatada uu Suldaan Wabar iyo kooxdiisa hubaysani ku hayaan gobalka Awdal. Warku wuxuu sheegay inay madaxdani iyadoo midaysan ay kulan la yeelan doonaa jilibka uu ka soo jeedo Suldaan Wabar, iyagoo wada tashi kala yeelan doona sida lagu soo afjari karo xiisadda auu gobalka ka abuuray, waaxaanay jilibka Suldaanka u dhigan doonaan gogol ay kaga dalbanayaan  inay kala doortaan in siyaasiyiinta reer Awdal oo isku duubani ay arrinta Suldaan Wabar waajahaan iyo inay soo qabtaan oo ay iyagu xal keenaan.

Safarkan uu Mr. Saylici shalay ku tagay magaalada Borama ayaan ka mid ahayn qorshaha, waxase la sheegay in safarkiisani ku eegyahay dabaaldegga 18 May.