Kulan Dhex Maray Murashax Cirro Iyo Aqoonyahan Xamse Khayre

0
553

Hargeysa(Geeska)-Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre, oo  ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland, gaar ahaan gobalka Gabiley ayaa wuxuu Axadii kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha golaha wakiilada ahna murashaxa xisbiga Waddani ee Madaxweyne.

1

Xamse, wuxuu kulanka guddoomiyaha oo saacado qaatay uu ugu horayn uga mahadceliyay guddoomiyaha iyo golaha wakiiladaba mooshinka cusub ee la doonayo in lagu ansixiyo gobalada cusub ee Somaliland, waxaanu Xamse sheegay inay dhallinyarada gobaladaasi xildhibaanada golaha wakilada saari doonaan culays ay kaga dalbanayaan inay ansixiyaan gobalada cusub.

Warsaxaafadeed uu Xamse kulankaas ka dib soo saaray wuxuu  wuxuu ku yidhi  “Anigoo Ku hadlaya Guddida Horumarinta iyo Aqoonyahanka Gobolka Gabiley Waxaan Hambalyo u diray Golaha Wakiilada JSL Oo Uu Ka Wakiil Yahay  Gudoomiyahooda Craxmaan Cirro. Waxaan ku hambalyeey inay ajandaha ku dareen qaddiyadda Goboladda Cusub.

Waxaan sidoo kale Gudoomiyaha u sheegay in dadka deeganka-naga ajandihiisa koowaad yahay Gobolnimadda oo la dhamaystiro. Dhinaca kale waxaan u xaqiijiyay in aanu ka dharagsanahay in doodda kadib ay muddanayaashu yihiin kuwo go'aanka kama dambaysta ka gaadhi doono goboladdan iyo mustaqbalkooda si waafaqsan Xeerka is-maamulka iyo Gobollada.

Iyaddoo ay sidaa tahay oo aanaan dedaal yaraysan doonin oo aanu ka Ka Gobol ahaan Xildhibaan walba gurigiisa ku garaaci doono kana codsan doono inuu taageero sharciyaynta iyo dhamaystirida Sharciyada Gobolka Gabiley, ayaan Guddoomiyaha ka codsaday in siddii uu balan hore u qaaday oo noo garab istaago oo isagu codkiisa(Haddiba uu codeeyo) aanu nagala hadhin.

Kulankan ayaan Gudoomiyaha fool-ka-fool ugu tagay una dhiibay fariinta iyo hambalyadaa aan shir gudoonka iyo Golaha ugu dhiibay.

Dhinaca kale abaabul wayn baa ka socda dhamaan Gobolladda Cusub kaas oo lagu taageerayo ajandahan. Dhallinyaro, odayaal, Ciyaartooy, abwaano, haween, saxafiyiin iyo wax-garad badan ayaa Wajaale, Arabsiyo, Allaybaday, Agabar,  iyo Gabiley ayay ka socdaan hawlo lagu taageerayo ansixinta Gobolka Gabiley.”