Waxa uu Rasuulku(SCW) inagu yidhi xadiis sanadkiisu diciif yahay “Muuminku waa fariid digtoon” waxa uu Rasuulku xadiis saxiixa oo uu soo saaray Imaam Bukhaari ku yidhi/sida uu wariyay Abu-Hurayra (IRHN) “Muuminka god laba jeer lagama wada qaniino” waxa uu yidhi imaamka Ibnu Xajar oo xadiiskaa ku sharaxay Fatxul-Baariga waxa uu yidhi Imaamka Al-khadaabi micnihiisu waxa weeye Muuminku ha noqdo mid go’aan leh oo tigtoon oo xaga dhoohsanida yaan looga soo dhicin marar kala dambeeya.
Waxa kale oo uu yidhi Ibnu Xajar waxa uu yidhi Abu Cubayd micnihiisu waxa weeye uma haboona muuminka hadii uu goob ku jabo in uu hadana ku soo laabto Ibnu Xajar waxa uu yidhi waxa aan anigu idhi sidaasi waa sida ay badi culimadu xadiiska u fahmeen oo uu ka mid yahay Imaam Al-Suhri oo xadiiska wariyay.
Ballanka oo la fuliyaa waa akhlaadqda aadka u saraysa ee Islaamkeenu ku tilmaaman yahay
Waxa uu ilaah Qur’aanka inagu yidhi “kuwa Ilaah iyo nabiga rumeeyayaw fuliya balanka".
Balan la fuliyaana waxa u wayn ballanka umadda maanta dhaqan iyo kuwa dhalan doonaba saamaynaya.
Waxa uu ilaahay qur’aanka inagu yidhi “ fuliya ballanka ilaah, marka marka aad ballantaan hana burinina dhaarta markaa adkeeseen kadib ee ilaah uuga yeesheen ilaaliye ilaahna waa ogyahay waxa aad falaysaan.
Hana noqonina sidii tii burisay (furfurtay) soohidii ay xooga galisay/ idinka oo ka yeelaya dhaartiina dhagar dhexdiina ah (oo ay idinku kaliftay raadsiga) umadaa umad ka badan ilaahna arinkaa waa uu idinku itixaamayaa, waxaana uu idiin cadayn waxa aad isku dhaafsanaydeen maalinka Qiyaamaha” 91-92 Al-Naxl waxa uu leeyahay Sheekha Sayid Qudub waxa uu Qur’aanku inooga sheekaynayaa Haweenay nacas ahayd oo nolosheedii macno la’aan ku dhamaysatay.
Ballanka oo la oofiyaa waxa soo galaya, ballankii muslimiintu Nabiga la galeen waxa kale oo soo galaya ballan kasta oo san oo ilaah ina farayo ballanka oo la oofiyaana waxa uu damiin u yahay in la helo kalsooni ay dadku kuwada dhaqmaan hadii aanay kalsoonidaasi jirina jiri mayso bulsho bani’aadamnimana taagnaan mayso hadalka Ilaahay waxa uu xishoo galinayaa kuwa ballamaya aadna wuu uga digayaa inay dhaarta ay adkeeyeen ka baxaan, iyaga oo ilaahay ilaaliye ka yeeshay, ballankoodana marag uu uga dhigay. Fulintiisana ilaaliyo uuga dhigay (Ilaahay) markaas ayuu si hoose ilaah goodi ugu muujinayaa “Ilaah waa la socdaa waxa aa falaysaan” Islaamkuna aad ayuu uugu adkayahay arinka fulinta balamada, burintoodana uma dulqaato waligii, maxaa yeelay waa aas aaskii dhisayay kalsoonida hadii la waayana tusbaxii bulshada ayaa furfurmaya oo burburaya.
Qur’aankuna kuma uu eekaan in uu ina faro fulinta ballanka oo qudha iyo inuu inagu reebo jabinta ballanka, waxaase uu u gudbay in uu ina siiyo tusaale wax ku qaadasho mudan si laynoo tuso xumaanta loona diido sabab kasta oo dadku ka dhigan karaan waxa ay ballanka ku jabiyaan.
(bal ku noqo tusaalaha haweenayda ilaah kor ku xusay) qofka ballanka jabinayaa waxa uu ka dhigan yahay sida haweenay nacas ah oo aan rayi iyo go’aan lahayn oo furfuraysa tolmihii ay adkaysay iyada oo ka dhigaysa mid hadana mar kala daadsan oo gobol gobol iyo qurub qurub ah. Hadii aad tusaalaha mid mid isugu dul taagto waxa uu inoo sawirayaa foolxumo iyo liciifnimo iyo yaab.
Ficilkaana waxa ka dayrinaysa nafta dhugat qalbigeeduna waa uu ka diidayaa. Waana waxa looga jeedo tusaalaha.
Qof naftiisa qadarinayaana raali uga noqon maayo in uu noqdo mid la mid ah haweenaydaa talada xun ee aan go’aanka lahayn ee bilaa macno nolosheedii ku dhamaysatay” hadalkii Sayid Qudub halkaa ayuu ku dhamaaday .
Qur’aanku waxa uu tusaale inooga dhigay tolmihii ay ku tacabtay kala furfurtay oo qurub qurub ka dhigtay.
Bal hada ka waran cida dad iyo xoolo wixii ay lahayd dabka saartay ee dhib badani ka gaadhay sidii ay wax u yab yabi lahayd ee xaalkeedu noqday (Alle kama dhige eh) sidii abwaan kaariye yidhi
Waxaan ahay nin arkaaya
Ayaankaygii shi dhaafay
Markii loo injiraystay
Oo madaw daba keeniyo
Isagoo ducanaayaa dirqiga
Waysha ku keenay
Idinkoo qof maqnaynoo
Indhihiinu sha yihiin
Mar labaad ambanayaa
Waxaan ahay nin arkaaya
Ula jeedo habawday