Kormeerka Dhulka Ee Dawlada Hoose Oo Ka Digay Dhismaayasha Sharci Darada Ah

0
554

Picture2Hargeysa (Geeska) -Kormeeraha guud ee dawlada hoose u qaabilsan dhulka Cabdiraxmaan Aadan Maxamed (Shimbir) oo aanu wax ka waydiinay arrimo la xidhiidha hawlaha dawlada hoose mudooyinkii ugu dambaysay ka qabanaysay dhulka caasimada, waxaanu arrintaas wax ka waydiinay kormeeraha guud ee dawlada u qaabilsan arrimaha dhulka ee gobolka maroodijeex “waxaan fariin u diray guud ahaan shacbi weynaha caasimada ku dhaqan ee dhisanaaya dhulka ee aanu u soo marin qaabka sharci, isla markaana uu ku maqan yahay dakhliga dawladu, una haysan wax sharciya oo sheegaya lahaansho. Dadka hadaba hantida ma guurtada ah seesa ama dayra waxan u soo jeedinayaa inay sharciga u hogaansamaan oo ay bixiyaan wixii dakhliya eek u maqan, hantidoodana ka dhigtaan mid sharciga waafaqsan”  Kormeerka guud ee arrimaha dhulka Cabdiraxmaan Aadan Maxamed ayaa intaas ku daray in hadii la fulin waayo amarka duqa caasimada in talaabo laga qaadi doonto cidii lagu arko dhismayaasha sharci darada ah, “Waxaan leeyahay sidii uu horeba u sheegay duqa caasimadu in aan maalmaha jimcayaasha ah wax shaqo ah la bilaabi Karin, mid hore u socotay mooyaane, hadii la fulinaayo waayo waxaa laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan sida uu sheegay maayarka caasimadu” Cabdiraxmaan Shimbir ayaa duqa caasimada iyo mudane Maxamed Warsame Caalin ku bogaadiyey hawsha ay u hayaan umada reer Somaliland, gaar ahaana caasimada isaga oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “Guddiga arrimah dhulka oo uu gudoomiye u yahay maayarka caasimadu, run ahaantii waa shaqsiyad firfircooni iyo dulqaad badan  u leh hawsha loo igmaday, waana nin hawl kar ah, waana shaqsi kasbaday xilkii loo doortay, runtii waa shaqsi neceb cida xad gudbaysa, dadka jilicsan waa mid aad ugu dhaga nugul oo dhagaystay. Run ahaantii hadii aanay masuuliyadu dul qaad lahayn xilkaasi waa mid kala dhantaalan, deganaanshuhuna arrimaha wuu ka qayb qaataa. Duqa caasimada ayaa markii uu yimi hir galiyey in la helo kormeer guud oo degmooyinka oo dhan ka hawl gala” isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Sidoo kale waxaan isna hadh iyo habeen hawlaha dhulka ka seexan madaxyada nooga saraysa oo uu hormuud u yahay Maxamed Warsame Caalin oo nin mudan ku dayasho, waxaanu meel sare gaadhsiiyey hawlaha dhulka oo xataa hadii ay noqoto hadh iyo habeen heegan buuxa ugu jira kala socodsiinta iyo kala xadaynta dhulka.”