Komiishanka Oo Kala Diray Hawl-wadeennada Doorashada & Ciidamada Amniga Goobaha Cod-bixinta

0
344

Hargeysa (Geeska) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa shalay kulan dardaaran iyo duco ah ugu qabtay hawlwadeeno tiradoodu dhan tahay 1664 Arday, kuwaas oo ka shaqayn doona goobaha codbixinta doorashooyinka JSL.

Guddoomiye Ku-xigeenka KDQ Axmed Cismaan Xasan, Komishineer Siciid Maxamed Cismaan iyo madaxda Jaamacada Burco ayaa  halkaa hadalo dardaaran aha uga jeediyey.

Sidoo kale, Guddoomiyaha  Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Muuse Xasan Yuusuf  iyoTaliyaha guud Ee Ciidamada Booliska JSL Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa hadalo dardaarana u jeediyey  Ciidamada Booliska  ee ka hawlgalaya goobaha cod-bixinta doorashada ee gobollada Maroodijeex iyo Togdheer.

Sidaas oo kale, Komishineer Faadumo Ismaaciil Cabdi oo KDQ u qaabilsan gobolka Sanaag iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ayaa maanta hadalo dardaarana u jeediyey ciidamadii ka shaqaynayey amaanka goobaha cod-bixinta ee goabolaka Sanaag. Doorashada Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ayaa dhacaysa 13-ka bishan November oo berri ku  beegan.