Khasaare Ka Dhashay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Waqooyiga Hargeysa

0
742

Hargeysa (Geeska) – Saddex Qof ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Balayga Cas ee waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

Saddexdan qof oo kala ah laba haween iyo hal nin, ayaa waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii gaadhigii ay la socdeen uu kula qalibmay deegaanka Balayga Cas ee Waqooyiga Gobolka.

Saddexda qof ee dhaawacyadu ka soo gaadheen shilkan, ayaa xalay fiidkii la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad ee dhibaatadu gaadhay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxa ka mid ah hooyo Magaceedu yahay Dhool Cabdilaahi Nuur, oo dhaawac culus ka soo gaadhay shilkaasi baabuur.

Dadkan ayaa waxa goobtii shilka ka dhacay ka soo qaaday gaadhi kale oo gurmad ahaan ugu tagay, kaasi oo keenay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Shilkan baabuur, ayaa ka mid ah shilalka sida joogtada ah uga dhaca deegaanada Somaliland oo dhibaato ka haysato jid xumo.