Khasaare Baaxad Leh Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ah Oo Ka Dhashay Dagaalka Beelaha Walaalaha Ku Dhex Maraya Ceel-Afweyn

0
900

Hargeysa(Geeska)-Dagaal khasaare badan dhaliyay ayaa mar kale shalay ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag, kaas oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo dhawr goor ooh ore dagaalo dhex mareen.

Dagaalka oo ka dhacay deeganka Ceel-afweyn ayaa waxa ku dhintay 15 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro badan. Dhimashada ayaa isugu jirta labadii dhinac ee dagaalamayay, waxaanay dadkani ku kala dhinteen gudaha magaalada Ceel-afweyn iyo deegaanka Ceel Nimcoon ee toga Dhigin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u diray beelahaas walaalaha ah ee ay colaadoodu soo noqnoqotay, waxaanu yidhi “Waxa aan halkan baaq uga dirayaa beelaha ceel af-weyn ku dagaalamaya, dagaalkaas oo riiq dheeraaday oo saakana [shalay] meelo badan ka bilaabmay, waxaan ugu baaqayaa dadkaa walaalaha ah ee islaynayaa inay dagaalka joojiyaan, dhiigga bilaa micnaha u daadanaya inay joojinayaan ayaan baaq dheer ugu dirayaa.

Hadaa wararku ina soo gaadhayaan inay dhawr meelood saaka [shalay] dagaal ka bilaabeen ceel afweyn, waana dagaal soo noq-noqday, qaranka Somaliland qofkasta oo xilkas ahna waxa aan ugu baaqayaa sidii nabad looga dhalin lahaa innaynu u wada guntano, way inagu riiqdheeraatay way soo noq-noqotay, waa dadkeenii, waa masiibo inagu dheeraatay, ilaahay waxan ka rajaynayaa in aynu nabaddeeda degdeg u xidhno oo aynu dhammaanteen isugu tagno”.

Dagaalka labadan beelood ayay labadii xukuumadii ee kala dambeeyayba ka soo saareen go’aamo ay ku sheegeen in lagu soo gunaanaday colaadaas, laakiin waxa muuqata inaan weli la helin daawada dabiibka u noqon lahayd dagaalkan dhiiga badani ku daatay.

Geesta kale guutooyin ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa shalay gelinkii dambe gaadhay jiidda uu dagaalku ka dhacay si ay u kala dhex galaan beelahan dagaalamaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here