“Kharashka Badan Ee Ku Baxay Dib U Habaynta Taallada Diyaaradda, Waxay Ahayd In Cid Baahan La Siiyo…” Xildhibaan Qabile

0
621

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay dib u habaynta lagu sameeynayo taalada Diyaaradda ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inay haboon tahay kharashka lagu bixinayo taaladan in lagu bixiyo meelo kale.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waddan kastaaba wuxuu leeyahay wax u gaar ah, tusaale ahaan dekediihii laga dhoofin jiray dadka madaw, markii xoriyadda la qaatay oo uu xoroobay waddan kasta oo dadka laga dhoofi jiray, dekedihii waxba lagama beddelin, inagana Diyaaraddu waa tusaale aynu mar kasta xasuusan nahay, maxaa yeelay Dawladdii Siyaad Barre dhibtii iyo xasuuqii ay dadkeena u geystay waxaanu si fudud qalbigayaga uga baxaya maaha,  diyaaraddani astaan bay u tahay, sidaas darteed Diyaaraddan waxaa khayriyada saaray Marxuum Cawal, ALLE u naxariiste isaga ayaa taalada diyaaradda lagu xasuusanaya, markaas  danta laga leeyahay in la bedelo astaankii uu horseedka ka ahaa ahaa marxuum Cawal  oo si kale laga dhigo garan maayo, laakiin kharash badan baa ku baxaya dib u habaynta, waxaa’se ka haboonayd in kharashka badan ee ku bixiya in meelo ku haboon lagu bixiyo, cid u baahana la siiyo”

 

Geeska.net/Hargeisa Office