Hargeysa(Geeska)-Marwo Sherin Helal oo ah khabiir u dhalatay dalka Masar oo falanqaysa arrimaha Afrika, ayaa qormo dheer oo ay toddobaadkan 17 Oktoobar ku qortay wargeyska caanka ah ee Al Ahraam waxay kaga hadashay guulaha siyaasadeed ee ay Somaliland ku soo kordhisay qaaradda Afrika.
Sherin Helal, oo qormadeedan ku qortay luuqadda Ingiriisida, waxay ciwaan uga dhigtay “Tusaalayasha siyaasadeed ee Afrika”, waxaanay ku soo bandhigtay nidaamka gaarka ah ee ay Somaliland hirgelisay ee ku salaysan dimuqraadiyadda iyo awood qaybsiga oo ay kaga badbaaday qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira gobalka Geeska Afrika, waxaanay sheegtay, inkastoo aan Somaliland la aqoonsan haddana inay dunida la leedahay xidhiidho badan.
Waxa kale oo ay guulaha Somaliland gaadhay tusaale ugu soo qaadatay Madaxweynayaashii kala duwanaa ee Somaliland ee kursiga isku wareejiyay ka dib doorashooyinkii dalka ka dhacay.
Qormadeeda waxay Marwo Helal ku sheegtay in dalalka Somaliland, Ruwanda iyo Moroco ay cilmiga siyaasadda ku soo kordhiyeen hab gaar ah oo uu cusub oo shacabku isku afgarto kuna samaysteen nooc dawladeed. Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ka dib markii uu ogolaansho ka helay Sherin Helel, ayaa waxay u dhignayd sidan “Guusha ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland ee goonida u goosatay iyo tusaalayaal kale waxay muujinayaan gaabiska hab fekerka siyaasadeed ee reer Galbeedku ka qabaan Afrika, sidaas waxa qoray Sherin Helal.
Halka ay Somaliya ka tahay dal Afrikaan ah oo ku caan baxay inay tahay tusaalaha ugu cad ee dal fashilmay iyo goobta dagaal ee ugu wayn qaaradda, dhinaca kale waxa u suurtagashay inay soo bandhigto qaab lagu dayan karo oo ah Jamhuuriyadda Somaliland ee is xukunta ee ku taal dhinaca woqooyi. Aqoonsi caalami ah may helin, balse waxaay leedahay dhamaan shuruudaha dal awood u leh inuu bixiyo xuquuqaha aasaasiga u ah nolosha iyo wada jirka.
Dhamaan arimahani waa tusaalayaal ku qasbaya dadka faaqida siyaasaddu inay aqbalaan waxyaalaha gaarka ah ee Afrika ay ku soo kordhiso cilmiga siyaasadda. Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba soo bandhigtay hab gaar ah oo shacabku isku afgarto si ay u dhistaan nooc dawladeed, taas oo cilmiga siyaasadda, sida ay u qeexeen reer Galbeedu, aanu ogolayn inuu u aqoonsado dawlad wanaag.
Ilaa iyo 1988ii way cadayd in SNM doonayso gooni isu taag woqooyigu yeesho iyada oo calan ka taagi jirtay magaalooyinka ay ka qabsato ciidamada dawladda. 18 May 1991, SNM waxay ku dhawaaqday abuurista Jamhuuriyadda Somaliland oo uu madax ka ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali Nuur, iyada oo sheegtay inay diyaar u tahay inay ku qabato laba sanadood gudohooda doorasho xor iyo xalaal ah. Xagga caasimadda Somaliya ee Muqdisho, jabhadii SSC way diiday inay aqbasho go’aankaas, waxaayna dhinac iskaga riixday gooni isutaagga, taas oo sababtay in dalkii Somaliya uu galo burbur iyo xasilooni darro ilaa hada socota.
Haseyeshee, tan iyo intii ay ku dhawaaqday madax-banaanida 1991kii, Somaliland waxaay ku shaqaynaysay nidaam maamul iyo mid siyaasadeed oo madax-banaan. Waxaay ku maamushaa xuduudeheeda bad iyo dhul ciidankeedaa qaran booliiska iyo hay’adaha amni. Iyada oo shacabkeedu yahay 3.5 milyan, waxaay xidhiidho aan rasmi ahayn la leedahay dawlado badan oo ergooyin u soo dira caasimadda, Hargeysa.
Itoobiya waxaay ku leedahay xafiisyo ganacsi Hargeysa, islamarkaana xidhiidhka labada dal waa mid meel heer sare ah jooga. Itoobiya waxaay sidoo kale ka samaysay tiro cusbitalo ah goobaha meeqaamka gaarka ah u leh ururada gobol iyo kuwa caalamiga ah. dalkan cusubi wuxuu ka dhashay isutanaasul siyaasadeed iyo mid qabiileed oo ay gaadheen dadka kuwada nooli, islamarkaana hogaamiyayaasha qabiiladu door muhiim ah ayay ku leeyihiin in laga hortago dagaalo qabiileed inay dhacaan.
Inkasta oo aan dalna si rasmi ah u aqoonsanayn, hadana Somaliland waxaay leedahay baasaboor u gaar ah oo dadkeedu ku tagaan dhawr dal, haseyeeshee dadka badankiisu wuxuu ku safraa baasabooro dalal shisheeye. Somaliland qayb ayay ka heshaa deeqaha loo qoondeeyo Somaliya, waxaayna ku leedahay wakiilo dalal dhawr ah.
Si ku duwan dalalka ku hareeraysan, waxaay ku guulaysatay in si nabad ah awoodda la isugu wareejiyo. Dhamaan madaxwaynayaasheedu waxaay awoodda ku wareejiyeen kuwa ka danbeeyey doorasho markay dhacday kadib. Dumarka waxa loo diyaariyay inay wakiilo ku yeeshaan Baarlamaanka oo waxa taas xoojisay kooto dastuurka ku astaysan oo dhan 30% kuraasta. Midkoodna warbixinada Qaramada Midoobay ee doorashooyinka iyo warbixinada UNDP ee xuquuqal insaanka ma diiwaangelin tacadiyo waa wayn oo ka dhacay Somaliland, gaar ahaan marka la barbar dhigo xadigga tacadiyada ka dhaca Muqdisho.
Dagaalka sokeeye ee Somaliya wuxuu socdaa tobanaan sanadood, iyada oo intuu socday lagu sameeyey farogelino ciidan, kuwaas oo ka bilaabmay kii Maraykanka oo ay ka danbeeyeen kuwa ay sameeyeen Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo wadamada IGAD ee Geeska Afrika. Qadiyadda Somaliya waa mid dhif iyo naadir la arko, waxaana ka dhashay su’aalo in jawaabo loo helaa ay qaadan karto sanado badan. Waa fagaare ay ku barataamaan [wadamada] gobolka iyo caalamka oo u furan siyaasad, dagaal, dhaqaale iyo xitaa waxbarasho iyo sahamin [khayraad] taas oo dalal caalami ahi ay ku yeesheen cid u joogta iyaga oo wata ciidankooda, qalabkooda si ay u saameeyaan gobolka.
Laga soo bilaabo quwadaha waawayn sida Maraykanka ilaa dalalka Gacanka Carbeed sida Imaaraadka Carabta, quwado shisheeye ayaa farogelin ku hayay gobolka iyaga oo isticmaalaya lacag ama farogelin ciidan oo ay ku sameeyaan dagaalada. Xitaa Turkiga ayaa qaatay go’aanka ah inuu cago dhigto [gobolka] taas oo u saamaxaysa inuu ku yeesho saamayn u muuqata inay tahay mid dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba imbaradooriyad ah. Quwado aad u tiro yar ayaa ka maqan goobta, taas oo ka dhigaysa wax adag in meel la isugu keeno si dib u heshiisiin loo gaadho.
Duruufaha iyo sababaha kala duwa dalalku ku jiraan ma sharaxayso maqnaanshaha aqoonsi caalami ah marka loo eego meeqaamka siyaasadeed ee dalku hada ku sugan yahay. Ma sadaalin karno goorta aqoonsigu uu iman doono, sidoo kale wuxu noqon karaa mid soo dhaqsada oo aan raagin. Haseyeeshee, maqnaanshaha aqoonsigu wuxuu ku cadaadinayaa Muqdisho inay aqbasho danaha siyaasdeed iyo dhaqaale ee quwadaha caalamiga ahi ay leeyihiin.
Dhamaan arimahani waa tusaalayaal ku qasbaya dadka faaqida siyaasaddu inay aqbalaan waxyaalaha gaarka ah ee Afrika ay ku soo kordhiso cilmiga siyaasadda. Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba soo bandhigtay hab gaar ah oo shacabku isku afgarto si ay u dhistaan nooc dawladeed, taas oo cilmiga siyaasadda, sida ay u qeexeen reer Galbeedu, aanu ogolayn inuu u aqoonsado dawlad wanaag.
Qadiyadda Somaliland waxay ku dhisan tahay nidaam u gaar ah oo xasilooni siyaasadeed iyo dhaqaale ah taas oo ilaa xad balaadhan gaadhsiisan, islamarkaana ka duwan dimoqraadiyadaha soo jireenka ah, haday tahay midda isu tanaasulka ku dhisan iyo ta kawada qayb qaadashada ku dhisan ba. Tani waxaay dhacday iyada oo jilayaasha siyassadeed ay uga tageen riyada wayn ee Somaliland inay ku dhex dhacdo rabitaanka kooxo qoomiyado ku dhisan iyo rabitaanka quwadaha caalamiga ah.
Qadiyadda kale ee kor ku xusani waa ta Rwanda oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan kor u kacday, iyada uu mudo rubuc qarni ah xukumayay hal nin oo dikteytar ah. Reer Galbeedku way mahadiyaan tusalaasha iyo tilmaamaha Rwanda ee loo naqshadeeyey inay cabiraan dimoqraadiyadda iyo xasiloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale iyo dad. qadiyada u danbaysa waa Morocco oo ah boqortooyo lagu tilmaamay inay tahay nidaam isku dhamaystiran, balse waa shacabka reer Morocco kuwa kursiga ku haya boqorka ee diidan farogelinta reer Galbeedka halka ay ka qayb qadanayaan si togan nidaamyada siyasadeed ee dalka.
Marka la eego arimaha siyaasadeed, waxaynu u baahanahay inaynu diyaar u noqono inay ixtiraamno nidaamyada siyaasadeed ee Afrika oo aynu qiimayn ugu samayno inaga oo ka duulayna duruufohooda u gaarka ah.