Kenya Oo Ingiriiska Ka Codsaty In Dib Loo Dhigo Joojinta Jaadka

0
548

Picture2Dalka Ingiriisk aayaa la filayaa in si rasmi ah 24 June looga mamnuuco cunista qaadka iyo ka ganacsigiisaba, arrintan oo ay weli walaac weyn ka muujinayaan ganacsatada Kenya, mucaaridka Kenya iyo dowlada.

Raysalwasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo hogaamiya xisbiga Mucaaridka ODM ayaa Qoraal uu Jimcihii u diray Raysalwasaaraha UK David Cameron wuxuu kaga codsaday in muddo 1 sano ah dib loo dhigo wakhtiga Qaadka laga mamnuucayo dalka UK.

Odinga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in wakhtigaasi ay ganacsatada gobalka Meru ee uu qaadka kasoo baxo ay wakhti u heli karaan inay ganacsigooda ku badbaadiyaan maadaama aysan xiligan wax kale ka ganacsan oo aan ahayn Qaadka kasoo go’a beerahooda oo loo iib geeyo Soomaaliya iyo dalka UK oo hadda ah kan kaliya ee Europe ee laga soo dajiyo qaadka.

Dhinaca kale Hogaamiyaha ODM ayaa sheegay in dowlada Kenya iyo ganacsatada Qaadka ay dhamaan ka wada shaqeyn doonaan sidii loo xakameyn lahaa in qaadka wax dhib ah aanu ku keenin amniga dalka UK, isagoo sheegay in laga hortagi doono in dhaqaalaha qaadka ay wax dakhli ah ka helaan kooxda Al Shabaab.

Raila Odinga ayaa sheegay in dib u dhigista wakhtiga Qaadka la mamnuucayo ay muhiim u tahay dalka Kenya, walow uu sheegay inayba kasii fiicnaan lahayd in la qaado gebi ahaan xayiraada UK la damacsan tahay Qaadka. “Qaadka waa dakhliga kaliya oo ay heystaan ganacsatada gobalka Meru, xili uu dhaqaalaha Kenya meel xun marayo, waxayna xayiraadan keeni doontaa dhibaato weyn….”ayuu yidhi Odinga oo hada si weyn ugu ololeenaya in aan Qaadka laga joojin wadanka UK.

Ganacsatada Kenyanka ah ee ka ganacsada Qaadka ayaa horey baaqyo badan usoo jeediyey waxayna qaarkood ku dhawaaqeen in dowlada Kenya ay la wareegto beeraha dadka Ingiriiska ah ku leeyihiin wadanka Kenya, taasi oo ay kaga jawaabayaan xayiraada, halka kuwo kale ku baaqeen in la cadaadiyo ganacsiga UK iyo Kenya ka dhaxeeya. Dalalka UK iyo Holland ayaa ahaa wadamadii qaadka Kenya laga soo dajin jiray waxaana qaadkaasi uu ka mamnuuc ahaa wadamada kale ee Europe iyo Maraykanka. Balse qaadka la geeyo UK iyo Holland ayaa si qarsoodi ah loo geyn jiray wadamada kale ee Midowga Yurub iyo waliba Maraykanka. Dalka Holland ayaa mamnuucay Qaadka bishii Janauary ee sanadkii hore 2013. Taasi oo ka dhigtay dalka UK goobta kaliya ee qaadka si sharci ah looga soo dajin karo.

Dowlada UK ayaa sheegtay in wixii ka danbeeya 24ka bishan June aan wax qaad ah dalkeeda laga soo dajin Karin, isla markaana uu yahay mamnuuc qofkii lagu qabtana la ganaaxayo.