Kenya Iyo AMISOM Oo Qarka U Saaran Inay Kala Goostaan Xidhiidhka Milatari

0
633

Nayrobi(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Kenya iyo isbahaysiga AMISOM ayaa halis ugu jira inay kala dhaqaaqaan oo ay ku kala baxaan isbahaysiga AMISOM ee ay hadda ku midaysanyihiin, ka dib weerarkii Ceel-cade ee toddobaadkii hore ay Al-Shabaab ku qaaday Kenya.

1111111111111

Guddoomiyaha Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo xidhiidhka Dibedda,Ndungu Githinji ayaa sheegay in haatan la joogo xilligii ay Dowladda Kenya dib-u-eegis ku samayn lahayd inay ka baxaan Hawlgalka AMISOM, isla markaan ay Ciiddankoodu si madax bannaan uga hawlgalaan Somaliya.

Ndungu Githinji waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Idaacadda BBC World, wuxuuna xusay inay diiradda saari doonaan Doorka AMISOM ee Hawlgalka Guud ee AMISOM.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo ay Taliska Sare ee Milliteriga Kenya sheegeen inaanay ciiddanka AMISOM wax gurmad ah ka helin Mashaqadii Ceel-cadde ee ay Alshabaab bishaan 15-dii ku dileen,ku dhaawaceen, kuna qabsadeen Askar badan oo Kenyan ah.

Taliyaha Guud ee Milliteriga Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa sheegay inaanay AMISOM lahayn awood ay ugu soo gurmadaan Ciiddankii Kenya ee bishan 15-dii lagu weeraray Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay inay weli socdaan Hawlgal lagu baadigoobayo Askarta weli maqan, isagoo sheegay in Kala bar Askarta noqdeen kuwo la dilay, kuwo la dhaawacay iyo kuwo weli lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Taliyahaasi waxa uu tilmaamay tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii inay Alshabaab kala wareegeen 120-Degmo oo ku yaalla K/galbeed ee  Somalia.

Ciiddanka Kenya waxay AMISOM ku soo biireen bishii Feberaayo ee saannadkii 2012-kii, mana kala cadda in Khilaafka Kenya iyo AMISOM la xalin doono iyo inay Ciiddanka Kenya iskooda uga sii hawlgeli doonaan gudaha Somaliya, iyagoo ka madax bannaan Taliska AMISOMoo ay haatan ka hoos shaqeeyaan Ciiddamo ka kala socda dalalka Jabuuti, Ethiopia, Uganda iyo Burundi.

Geesta kale, warbixin ay guddi baadhitaan oo Kenya u saartay weerarka Ceel-cade ay u gudbiyeen Madaxweynaha Kenya, ayaa sida ay jaraa’idka Kenya shalay daabaceen waxa lagu sheegay in Beesha Somaliyed ee Mareexaan ay Al-Shabaab ka taageertay weerarkaas. Warbixintu waxay sheegtay in beesha Maareexaan ay Al-Shabaab u gacan gelisay saddex askari oo Kenyan ah oo isku dayay inay ka baxsadaan kana dhuuntaan Al-Shabaab, waxaana sababta lagu sheegay in beesha Mareexaan u aragto ciidamada Kenya inay taageersanyihiin beesha Ogaadeen oo ay isku hayaan deegaanka jubaland.