Kambanigii Ugu Horreeyey Ee Boostada Iyo Isgaadhsiinta Oo Casri Ah Oo Somaliland Lagu Daah-Furay

0
534

Hargeysa (Geeska)-Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furayey Kambani cusub oo ballaadhan bixina doona adeegga Boostada iyo farriin dirida ayaa shalay si rasmi ah loogu daah-furay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Xafladdaasi oo ka dhacday Huteel Maansoor waxa ka soo qayb galay Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrka Boostada iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi-baadhista Md. Cali Xaamud Jibriil, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta wadanka Itoobiya, xildhibaano, aqoonyahano iyo xubno matalayay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland iyo martisharaf kale oo ballaadhan. Kambanigaasi oo ay iskaashi ka sameeyeen Labada Wasaaradood ee Boosaha iyo isgaadhsiinta ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

1111111111111

Daah-furka Kambanigan cusub oo la magac Baxay EMS Global Express Mail Service waxa hadalo kala duwan ka soo jeediyey Masuuliyiin badan oo dhammaantood sheegay sida loogu baahan yahay Kambani hawl noocan oo kale ah dalka ka qabta. Ugu horrayn waxa xafladan hadalo kooban ka soo jeediyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ahna wakhtigan Guddoomiyaha Ururka xirfadlayaasha caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Oday kaasi oo ka mid ah masuuliyiinta Kambanigan dalka ka hir geliyey.

Dr. Axmed Xaashi Oday waxa uu yidhi: “Kambanigan waxa afka qalaad lag yidhaa ESM waana mid bixin doona adeegga isgaadhsiineed ee dhinaca boostada. Waana farriime diraha degdegga ah. 25-kaa sanadood ee Somaliland soo jirtay marka la ina waydiiyo Post Number waxa aan odhan jirnay ma lihin oo marka aan dhukumanti qoranayno waan isaga boodi jirnay qaybta P.O. Box ah waxaanan u malaynayaa malaha innaga uunbaan adduunyada lahayn sanduuq boost. Muddo shan sanadood ah ayaanu mashruucan soo wadnay. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan wanqashiisii Kambanigan adeegga Boostada ah u fadhino maanta”. 

Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha KULMIYE oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey masuuliyiinta kambanigan hir geliyey oo faa’iido ballaadhan u leh qaranka waxaanu yidhi: “Ugu horrayn waxaan u mahad naqayaa labada wasaaradood ee xidhiidhka iyo fududaynta ka sameeyey kambanigan muhiimka ah ee Somaliland iyo Itoobiya. Waa adeeg wanaagsan oo innoo soo kordhay. Halkan Hambalyo iyo in aan hawshaa qiimaha badan bogaadino ayaan u nimid. Talo wanaagsan ayaan u arkaa in kambaniyada la wada yeesho oo kali kalidii laga baxo oo wax la wada abuurto taasi waxaan u arkaa talo qiimo badan”.

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta dalka Itoobiya oo isna dalak Itoobiya ka socday ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashi ee dalka Somaliland iyo Itoobiya isaga oo wax lagu farxo ku tilmaamay heerka ay Somaliland ka gaadhay isgaadhsiinta.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ku hadlayay magaca Golaha Baarlamanka ayaa bogaadiyey hawshan qiimaha badan ee dalkeena u soo korodhay. Isaga oo sheegay in ka xildhibaan ahaan ay barbar taagan yihiin kambanigan oo uu ku tilmaamay mid wax weyn ku soo kordhin doona buuxinna doona gaabkii bannaanaa ee dhinaca boostada iyo isgaadhsiinta.

Gabagabadii Munaasibaddan waxa soo afmeeray Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo sheegay in ay sharaf wasaaraddiisa u tahay hirgelinta iyo fududaynta hawsha kambanigan oo uu ku tilmaamay mid wax weyn u soo kordhin doona qaranka isaga oo bulshada ugu baaqay in ay ak faa’iidaystaan qiimaha kambanigaasi dalkeena u soo kordhiyey.