Kalluumaysato Reer Berbera Ah Oo Ay Dabayluhu Geeyeen Cadan

0
542

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka kaluumaysiga Cali Jaamac Faarax ayaa ka hadlay doon laga lahaa Berbera oo la la'aa mudooyinkii ugu danbeeyay taas oo laga helay xeebaha dalka Yaman oo ay ku caariday kadib markii mishiinku ka fadhiistay.

Waxa uu wasiirku sheegay in aanay kaluumaysatadii saarnayd iyo doontiiba dhibaato soo gaadhin ayna ku sugan yihiin Abyan oo Cadan u dhow, waxa uu wasiirku ugu digay laashashka iyo doomaha yar yar in ay kaluumaysiga ka dheeraadaan inta ka horaysa bisha sideedaad oo ay dabaylo jiraan, waxaana uu arimahan kala hadlay tilifishanka Somalinews, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa"Doontaas waxa naloo sheegay in ay ku caariday Abyan oo dhinaca bariga ka xigta Cadan, waxa naloo sheegay in dadkii iyo doontiiba nabad qabaan laakiin ay dabayluhu halkaas ka tuureen, mishiinka ayaa ka xumaaday markaas dabaysha ayaa iska waday oo Yaman gaysay, doonta Berbera ayaa laga lahaa oo dadkii kaluunka keeni jiray ayay ahaayeen. xiligan bisha todobaad oo dabaylo waaweyni ay dhacaan oo aanu uga dignay doomaha yar yar inay bada galaan ayay iskaga dhiiradeen, hadana waxaanu ku sii dhiiri galinaynaa in aanay dadka doomaha yar yar wataa bada galin, kuwa doomaha waaweyn wataa waa meeshooda ee ilaa bisha sideedaad inta ka horaysa way dhacayaan dabayluu."