Kal-fadhigii Shalay Ee Golaha Wakiilada Oo Muran Hadheeyey

0
688

Picture2Hargeysa (Geeska)-Kalfadhigii Shalay ee Golaha Wakiilada, oo uu shir gudoominayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa la   hor keenay Xeerka lagu soo dooranayo Golaha Wakiilada, si looga doodo, balse muran, booq iyo is fahan waa kadib ayaa XIldhibaano dhawr ah oo u badan Xildhibaanada Muxaafidka ka dareeray kana baxay kalfadhigaas, halka Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal, oo iyagu markii horeba  xeerkan aan raali ka ahayn, isla markaana codsaday in waxa laga bedelo aanay kaba soo xaadirin.

Dhinaca kale Xildhibaan  Maxamuud Jaamac Cilmi (Dable), oo ka tirsan Golaha Wakiiada, kana mid ah Xildhibaanada Guddida Arrimaha Guddaha, oo isagu Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xeerkan lagu soo dooranayo Golaha Wakiilada, ee la hor keenay Golahooda, in aanu ahayn xeer sax ah, oo aanu ka iman Labada Gole Guurtida iyo Wakiilada iyo sidoo kale Xukuumadda, waxaanu tilmaamay in gabi ahaanba uu yahay xeer khaldan, oo aan xittaa la mid ahayn xeerkii lagu galay Doorasha